Wasaaradda Deegaanka Oo Togdheer Ka Fulisay Wacyigelinta ilaalinta Duur Doogta+Sawirro

0
415

Burco (HP): Wasaaradda Deegaanka isbdelka Cimilada somaliland ayaa wacyigelin ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo duur joogta ka fulisay gobolka Togdheer.


Waxaana fulinta wacyigelintaasi hogaaminayay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid.


Iyadoona ay masuuliyiinta wasaaradda deegaanka wacyigelintaasi kala qayb qaateen maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo qaybaha bulshadda magaaladda Burco.
Fulinta wacyigelintaasi ayaa shacabka deegaamadda gobolka Togdheer loogu diray baaq ku aadan inay ilaaliyaan duur joogta kala duwan ee ku nool gobolka Togdheer.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here