Wefti Wasiirro ah Oo Gaadhay Gobolka Sool

0
536

Laascaanood (HP): Wefti wasiirro ah oo tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta safar shaqo ugu baxay gobolka Sool.


Weftigaasi ayay u jeedada socdaalku la xidhidhay furitaanka iyo dhammaystirka nabaydaynta beelaha Adhi-Caddeeye.


Weftigan oo uu hoggaaminayo wasiirka xannaanada Xoolaha iyo khayraadka Badda Siciid Sulub ayaa waxaa ku weheliya, wasiirrada Caddaallada, Dastuurka iyo xidhiidhka gole-yaasha iyo Beeraha xubno kele.
Waxaana weftigaasi magaaladda Laascaanood ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Sool ka degmadda Laascaanood iyo madax dhaqameed kala duwan.


Weftigan wasiirrada ah ayaa kulamo la qaatay madax dhaqameedka gobolka Sool, kuwaasoo ay ka wada hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa nabadayntii beelaha ew Adhi-cadeeye.

Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here