Hargaysa: Niman Ka Ganacsanayay Duur Joog Oo Xukuno Lagu Riday

0
507

Hargaysa (HP): Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa maanta xukuno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday niman lagu soo eedeeyay in ay si sharci darro ah u dhoofinayeen duur joog.


Labadan nin ayaa lagu soo qabtay iyagoo doonayay in ay xeebaha Somaliland si sharci darro ah uga dhoofiyaan 10 xabadood oo Harimacad ah.
Kuwaasoo 17-kii bishii April ee sanadkan ay ciidamadda booliska saldhiga Daloodha ee magaaladda Hargaysa ay ka soo qabteen deegaanka Xeedho ee woqooyiga Hargaysa.
Cabdi Yuusuf Mahdi, oo eedaysanaha koowaad ah ayaa la sheegay in ay noqonayso markii afraad ee lagu soo qabto isagoo duur joogta ka ganacsanaya.
Halka sidoo kalena Maxamed Cabdi Guuleed, uu isna ku eedaysnaa inuu gacan siiyay eedaysanaha koowaad.


Intii ay socotay dhegaysiga dacwadda loo haystay labadan nin ayaa xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex waxay maxkamadda hor keeneen cadaymo iyo markhaatiyo ku filan oo ay ka mid ahaayeen 10 Harimacadka ah iyo baabuurkii ay ku sideen.
Waxaanay maxkamadu ku xukuntay Cabdi Yuusuf Mahdi, 4 sanadood oo xadhig ah iyo lacag ganaax ah oo dhan 3 milyan oo shilling Somaliland.
Sidoo kale waxay maxkamadu ku xukuntay Maxamed Cali Guuleed, hal sanno oo xadhig ah.
Sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex oo xukunka ku dhawaaqay.
Iyadoo 10-ka Harimacad lagu wareejiyay wasaaradda deegaanka Somaliland.
Xukunka labadan ay maxkamadu nin ku riday ayaa loo raacay xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta Samaliland ee xeer LN. 69/2015.


Fadhiga saaka ee maxkamadda waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaraaaasi iyo xubno kale.
Agaasime C/naasir, oo hadlay kadib markii xukunkaasi maxkamadu dhacay ayaa uga mahad celiyay maxkamadda gobolka Maroodijeex xukunkaasi.
Waxaanu digniin u diray cid kastoo lagu soo qabto iyadoo Faraha kula jirta ka ganacsiga duur joogta sifo sharci darro ah in ay mutaysan doonaan ciqaab adag.

Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here