Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE oo Socdaal ku Tagay Gobollada Saraar iyo Sool + SAWIRRO

0
1135

Burco,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Warfaafinta Somaliland – Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo masuuliyiin kale, ayaa socdaal la xidhiidha taakulada abaarta ku tagay Gobollada Saraar iyo Sool.


Weftiga oo galinkii dambe ee maanta ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ay ku sugnaayeen maalmihii u dambeeyey, waxa markii ay gaadheen magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar galabta ay kulan kula qaateen guddiga abaaraha heer gobol oo ay ka xog-waraysteen xaaladda abaarta, waxaanna Guddoomiyaha KULMIYE ku wareejiyey taakulo boqol booyadood ah oo xisbigu u qoondeeyey inay qayb ka ah taakulada abaarta ee Gobolka Saraar.


Intaa kadibna waxa weftigu u baqoolay Gobolka Sool oo Guddoomiyaha KULMIYE iyo madaxda kale ee wehelinaysaa ay caawa u hoydeen magaalo Laascaanood.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here