Wefti Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qorshaynta Oo Kormeer Ku Tegay Banka Wajaale

0
977

Tog-Wajaale (Hargeisa Press): Wefti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariic kala duwan oo ay wasaaradda beeraha Somaliland ka waddo Banka Tog-Wajaale.


Mashaariicdaasi oo ay maalgelinayso dawladda Somaliland waxaa ka mif ah mashruuca wax soo saarka beeraha ee Wajaale, mashruuca horumarinta hiddaha xoolaha (genetic improvement) iyo calafka xoolaha.


Waxaana mashaariicdaasi si wada jir ah u fulinaya wasaarradaha Qorshaynta iyo Maaliyadda, kuwaasoo laga maalgelinayo miisaaniyadda dawladda.


Mashruuca wax soo saarka qaybta beeraha ee Wajaale ayaa laga leeyahay saddex u jeedo oo kala duwan.

Daawo: Kormeerkaasi iyo Hadaladii Masuuliyiinta:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here