Baarlamanka Itoobiya oo Meel-mariyay Qaraar Xidhiidhka Loogu Jarayo Hoggaamiyeyaasha Gobolka Tigray

0
1142
Addis Ababa (Hargeisa Press)– Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in Dowladda Federaalka ay xidhiidhka u jarto hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ku yaalla, kaddib xurguf soo kala dhex gashay oo ku aaddan doorashada dib loo dhigay.

 

Go`aankan micnihiisu maaha in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa iyo gobolka Tigray uu gebi ahaanba go`ayo. Dowladda Federaalka ayaa la sii shaqeyn doonta maamullada hoose ee gobolka sida maayarrada iyo xildhibaannada deegaanka, iyadoo siin doonta adeegyada aasaasiga ah ee gobolku u baahan yahay.

Balse waxaa laga yaabaa inay joojiso lacagihii ay siin jirtay sida baarlamaanka Tigray.

Dowladda Ra`iisal Wasaare Abiy Axmed ayaan weli ka jawaabin arrintaas.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaraar ka soo baxay Aqalka Sare ee dalkaas uu ku laalay doorashooyin-goboleedkii uu qabsaday gobolka Tigray 9-kii bishii September kuna tilmaamay inay ahayd mid sharci darro ah.

Xisbiga (TPLF) ee ka taliya gobolka ayaa muddo-xileedka loo dheereeyay xukuumadda Ra`iisal Wasaare Abiy Axmed oo ku ekeyd 5-tii bishan October – ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, iyagoo intaas ku daray in gobolku aanu ka amar qaadan doonin dowladda Federaalka.

Xisbiga TPLF ayaa u yeedhay xubnaha kaga jira dowladda. Afhayeenka Aqalka Sare ee dalkaas ayaa ku hanjabay in ciidamo ka socda federaalka loo diri doono gobolka.

Doorashada Itoobiya ayaa la qaban doonaa bisha September ee sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here