Hargaysa (HP): Wefti ka socda dawlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya ayaa maanta booqasho ku yimid Somaliland.
Weftigaasi oo isugu jira qarreenno, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dawlad deegaanka, iyo xubno kale ayaa booqday xarunta golaha Guurtida Somaliland ee magaaladda Hargaysa.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo uu baahiyay xoghayaha guud ee golaha Guurtidda Somaliland Cabdi Aadan Beegsi.
“Hogaanka sare ee ururka qareenada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu weheliyo gudoomiyaha Maxkamada sare ee Gobolka Faafan iyo dhigooda Ururka Qareenada Somaliland ayaa maanta soo booqday xarunta Golaha Guurtida ugu horayn waxaa waftigaasi soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee golaha guurtida Cabdinaasir Aadan Beegsi iyo mudanayaal ka kala tirsan gudi hoosaadyada galaha guurtida.
Kuwaas oo kala ahaa:
1- Cabdikariin Sh. Cumar gudida arimaha bulshada.
2- Mustafe Maxamed X daahir gudida shuruucda.
3- Mukhtaar Maxamuud Cabdilaahi gudida dhaqaalaha ee Golaha Guurtidda jsl” ayaa lagu yidhi warkaasi kooban.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.