Guddoomiye Ku-Xigeenkii Saddexaad Ee Waddani Oo Is Casilay Dhaliillana Ku Hurgufay

0
351

Hargaysa (HP): Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee  Waddani Kayse Cali Geedi ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu xisgigaasi ka hayay.
Waxaanu sheegay inuu gebi ahaanba iska casilay hogaankii xisbiga Waddani, xubinnimadii guddiga fulinta, iyo xilkii guddoomiye ku xigeenka saddexaadba.
Kayse Cali Geedi, oo maanta magaaladda Hargaysa ku qabtay shir jaraa’id oo uu is casilaadiisa ku shaacinayay ayaa dhaliilo culus u jeediyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay hogaan jilicsan, isla markaana ay xisbiga Waddani ka muuqato hogaan xumo iyo in aanay jirin hogaamintii looga baahnaa.
Waxa kaloo uu sheegay in xisbiga Waddani uu noqday xisbi fawdo ah, oo maalin walba cid cusubi ay soo gelayso golihiisa dhexe, iyo guddigiisa fulinta.


Sidaas darteedna uu go’aansaday ayna isaga la noqotay  inuu iska casilo xisbigaasi, maadaama oo uu moqday meel aan maamul jirin ayna ku adkaatay inuu ku hayo dadkii  taageereyaasha u ahaa.

Geesta kale Kayse Geedi, waxa uu u sheegay taageereyaashiisa in aanay waxba u oolin Waddani, isla markaana uu dhawaan qaban doono xafladda uu taafeereyaashiisa ugu sheegayo xisbiga ay gelayaan iyo halka aayaha iyo mustaqbalkoodda siyaasadeed ugu digo-rogan doonaan.
Is casilaadda guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Waddani ayaa imanaysa xili lagu guddo jiro u diyaar garowga qabsoomidda shir weynaha xisbigaasi oo la filayo inuu dhawaan qabsoomo.


Waxaana tallaabadda is casilaadda masuulkani loo arkaa in ay sababtay ama  mid qayb ka ah loolanka loogu jiro kala riixashadda jagooyinka sar sare ee hogaanka xisbiga Waddani.

DAAWO:Keyse Geedi Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

https://youtu.be/cv5B5XakPWQ

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY