Wefdi Uu Hoggaaminayo Agaasimaha Wasaaradda-Deegaanka oo Shir Kaga Qayb-galay Addis Ababa

0
896

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Maxamed Cabdillahi Ducaale, iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wefdga Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland, ayaa ka kooban, Shaqaalaha Wasaarradaha Qorshaynta, Deegaanka, Biyaha, Xannaada xoolaha, Beeraha, Maaliyadda, iyo Hanti-dhawrka Qaranka.

Ujeedadda safarka wefdiga, ayaa isugu jiray dhawr qaybood, oo ay ka mid tahay tababarro, iyo kulamo la xidhiidha sidii wax looga baran lahaa habka ay dowladda Itoobiya u maamusho arrimaha la xidhiidha Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha.

Waxaana safarkaasi fududeeyay Mashruuca Biyoole, World Bank. kaasoo mashaariic kala duwan oo horrumarineed ka fuliya goboladda dalka Somaliland qaarkood.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Maxamed Cabdillahi Ducaale, oo faahfaahin ka bixiyay dulucda shirkaasi, ayaa sheegay inuu yahay shir muhiimad weyn u leh wefdiga uu hoggaaminayo.

Waxaanu tilmaamay in xubnaha wefdiga ee wasaarradaha kala duwan ka socdaa ay kulamo la yeesheen masuuliyiin, iyo saraakiil ka kala socday Hay’addo Caalami ah, iyo dowladda federaalka Itoobiya.

Agaasime Maxamed Cabdillahi Ducaale, ayaa Mashruuca Biyoole, World Bank, uga mahad celiyay fududaynta ay ka qaateen booqashadoodda safarka ay ku tegeen Addis Ababa, iyo tababarrada, iyo kulamada ay halkaa ku soo yeesheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here