Golaha Guurtida oo Dood Adag Ka Yeeshay Xaaladda Dhaqaalaha Dalka

0
1300

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa ay saaka dood adag ka yeesheen xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka iyo halka uu marayo.

Fadhiga dooda, ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye ku xigeenka golaha Siciid Jaamac Cali.

Dooda xildhibaanada, ayaa ku wajahnayd dhaqaalaha dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa dadka barakacayaasha ee Hay’adduhu siiyaan lacagta si uga joogsadaan dhaqashada xoolaha.

Intii doodu socotay mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa waxay soo jeediyeen in la dhiirigeliyo wax-soo-saarka Badda iyo in lala soo baxo khayraadka dihin ee ku jira badda.

Mudanayaasha, ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in ay xoojiyaan wax soo saarka Beeraha si loo dhiirigaliyo warshadlayd dalka, loogana iibiyo dalaga soo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here