Waxka Ogoow Xaqiiqada Safarka Sucuudiga Ee Madaxwayne Muuse Biixi iyo Xulafadda Badda-cas

0
1612

Hargeisa (Hargeisa Press)- Sanadkii 2018-ka ayaa dawladda Sacuudigu ku dhawaaqday hindise lagu samaynayo “Is-bahaysiga Waddamada Ku Teedsan Badda-cas” oo ka kooban 6 dal, Masar, Suudaan, Jabuuti, Jordan, Somaliya, Yemen iyo Sucuudiga.

Waxaa is-bahaysigan ka biyo-diiday Eritariya iyo Somaliland oo tiraba laba goor qoraal ay ku dedafaynayso is-bahaysigaas haddii aan iyada lala tashan lagana qayb-gelin ay ku sheegtay, Eritariya kulano dhowr iyo Madaxwayne Isayaas ku tagay Sucuudiga oo uu boqortooyada ugu sharaxay sida uu uga biyo diidsan yahay is-bahaysigan.

Jabuuti ayaa dhinaceeda u aragtay fursad wayn arinkan isaga waxayna kulan ku qabatay caasimada dalkeeda oo Xaruna ah IGAD, Kulanka is-bahaysiga badda cas ee Wadamada IGAD waxaa ka soo qayb-gashay Itoobiya oo ah dalka ugu wayn ee Geeska Afrika dad ahaan iyo dhaqaale ahaan, Waxaa dhankeeda Itoobiya tuhun ka galay ujeedadda dhabta ah ee wadamada carbeed ee Masar ku dhex dhuumanayso ay go’doon iyada ku ridayaan taas oo aanay sinaba u aqbali karin.

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ayaa dhabarka u ritay inuu Itoobiya, Somaliland iyo Soomaaliya u kala dab-qaado isla markaan uu Sucuudiga uga wakiil noqdo is-bahaysiga badda cas dhinaca Geeska Afrika.

Farmaajaha Xamar ayuu Itoobiya uga dhameeyay in Badda Hindiya inay Itoobiya bad ka soo gasho meel ku beegan xeebaha Galmudug ee Hobyo ama Puntland ee Gara-cad ayaa Itoobiya lagaga reebay Is-bahaysiga badda-cas.

Dhinaca kale Farmaajo waxaa loo balan-qaaday in Badda-cas ee Soomaliya aanay Somaliland ku buuqi doonin oo laga dhamaynayo.

Badda-cas ee Soomaaliya marka laga yimaado in yar oo kooban dhamaanteed waxaa leh Somaliland waxayna dhan tahay 850 km, Marka lagu daro jasiiradaha Eritariya ku leedahay badd-cas iyo xeebteeda dhan 1,150km, waxay Somaliland iyo Eritariya yeelayaan xuduuda ugu balaadhan ee Geeska Afrika ee ku teedsan badda cas, Waa sababta wasiirkii Arimaha dibedda ee Eritariya uu u yimid Somaliland si ay isku kaashan karaan, Safarka Eritariya ayaa ku beegnaa markii Madaxwayne Geelaha Jabuuti ku sugnaa Xamar ee Safaarada uu xadhiga ka jarayay.

Salaasadii iyo Arbacadii usbuucii hore ayaa dalka Sucuudiga kulankii 6-dal ka ee badda-cas ka dhacay Sucuudiga kaas oo aanay Eritariya oo lagu casuumay ka soo xaadirin. In kasta oo aan heshiis la saxeexin, waxaa loo saaray Guddi farsamo oo bacda ciidka keenaysa heshiis dhamaystiran kaas oo hadda guddidu ku shaqaynayso Qaahira, Halkaas oo ku qulqulayaan madaxdii Is-bahaysiga badda cas oo Xujaaj ah.

Dawladda Federaalka Wasiirkeeda Gaashaandhiga, Madaxwayne Muuse iyo Wasiirkiisa Amaanka, Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo raysal-wasaarihiisa iyo Madaxda Masar, Suudaan, Jordan iyo Yemen ayaa dhamaan hadda ku sugan Xajka.

Waxaa kale oo bishii July daba-yaaqadeedii kulan yeeshay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo hogaaminaya saraakiil ciidanka qaranka Somaliland iyo Ciidamada dalka Jabuuti kaas oo ka dhacay Jabuuti.

Warar hoose ayaa u badinaya in Somaliland ay Djibouti qancisay lama se oga waxa Somaliland ku qanacday?

Shirkad in-gaydh kiraysa dayuurada oo la tidhaa IVORYJET SERVICES oo uu agaasime ka yahay wiilka uu Madaxwayne Geele sodoga u yahay ee Tommy ayaa Garoonka diyaaradaha Cigaal ka qaaday Waftiga Somaliland taas oo dadka loogu sheegay in Sucuudigu u soo diray, xaqiiqaduse tahay in Jabuuti oo badda-cas ee Somaliland dilaalaysaa ay soo dirtay.

IVORY JET SERVICES waxay sanadkii hore xafiis ka furatay Hargeysa oo wakiilna u joogo, Waxaa xiise gaar ah lahayd in raxanta diyaaradaha Falcon 50 ee sida Ambalaanska u shaqeeya loo soo diray waftiga Somaliland.

Waxaanu walaac weyn ka qabnaa in Badda-cas ee muhiimka ah ay Faraha uga bixi karto sidii “Hawadda Somaliland” waayo Somaliland waxay ka og tahay heshiiska lagu qorayo Qaahira ee Soomaliya fadhido ma jirto.

Waxaa kale oo iska cad in heshiiska badda cas aanu noqobayn 7-dal oo Somaliland ku jirto oo aanay Jabuuti u diyaar ahayn in Somaliland ay dhinac ka noqoto go’aanada badda iyadoo u aragta in Dekedda Berbera ay mar walba tartan adag kula jirto.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaa laga rabaa inaanu taariikhda ku gelin “Madaxwaynihii Dhaxal-wareejiyey Badda-cas” taas bedelkeed waxaa u furan, madaama uu 850km leeyahay, inuu noqdo “Madaxwaynihii Xoreeyay Baddeena cas.

Waxaana isha lagu hayaa arintaa masiiriga ah ee badda-cas kana dhacaysa Qaahira iyo Sucuudiga ciida kadib.

 

Hargeisa Press.com/Hargaisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here