“Waxaanu wadnaa Qorshe Dib Loogu Habaynayo Xadhkaha Korontadda”…

0
543

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha haayadda Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare, ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u habayn loogu samaynayo xadhkaha Korontadda qaada ee galla suuqyadda Hargaysa.
Qorshahaasi oo ah mid wax lagaga bedelayo qaabka ay suuqa ugu weyn ganacsiga Somaliland ee Waaheen u galaan cadhkaha korontadda xambaara.
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in qorshahaasi ay kala hadleen dhamaanba dhinacyadda ay khusayso, sida shirkadaha addeegyadda korontadda bixiya, dawladda hoose iyo ganacsatadda suiqa Waaheen.
Axmed Faarax Cadare, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan ay maanta la qaateen komishanka Tamarta qaranku shirkadaha bixiya addeegyadda koronta ama Laydhka ee magaaladda Hargaysa.
Sidoo kale waxaa kulankaas qayb ka ahaa guddiga bacadleyaasha magaaladda Hargaysa, taliyaha ciidamadda Dab-demiska Somaliland, maamulka gobolka Maroodijeex iyo xoghayaha dawladda hoose ee Hargaysa.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here