Garab Ka Mid Ah UCID oo Ka Soo Horjeestay Xubnaha Xisbigoodu U Xulay Shir-guddoonka Wakiillada

0
1711

Hargeisa (Hargeisa Press) – Garab ka mid ah Xisbiga UCID, ayaa waxaa ay ka soo horjeesteen Xubnaha Xisbigoodu u xulay ku-xigeennada kowaad iyo labaad ee Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Garabkan xisbiga UCID, ayaana waxaa ay xubnahaasi ku tilmaameen in loo xulay xubno aan Xisbiga ka tirsanayn.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo wax laga waydiiyay ujeedka kulan ay ku yeesheen isaga iyo xubno kale oo uu hoggaaminayo Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo Xildhibaannada UCID u soo baxay ee Golaha Wakiillada ka mid ah, ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan xubnaha Xisbigu Shir-guddoonka u Xulay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here