“Waxaanu Fulinaynaa Xukunnadda Dilka Ah, Tiirarkii Toogashadana Waanu Taagaynaa” Wasiir Xigeenka Amniga Somaliland

0
1215

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,ayaa soo bandhigtay Qorsheyaal lagu xakamaynayo dilalka dalka ka dhaca,islamarkaana Culays lagu saarayo dadka gaysta. Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi ee dhanka Amaanka Cali Maxamed Cilmi,ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo fulinayo Xukunnadda dilka ah.

“Waxaan idiin sheegayaa in Dhamaan cidkasta oo Qarankan wax ka dishay lagu fulin doono dilkii, Tiirarkii toogashadana aanu dhisi doono bari iyo saakadeed.Ninka imika wax dila waxaa la yidhaa kuwii horeba waa la toogan waayaye barri baa la bilaabayaa.Tiirarkii Siinay ka taagnaan jiray ee dadka lagu toogan jirayna waanu Qodaynaa” ayuu yidhi wasiir xigeenka amnigu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aan idiin sheegaynaa cid cid kale xoog wax kaga haysan kartaa ma jirayso, hadday dhul tahay,hadday guri tahay iyo hadday wax kale tahay taasina ma dhacayso, waana dib u habaynta Cusub ee Wasaaradda Daakhiliga iyo Hay’addaha Boolisku isla qaateen ee taasna ku bushaaraysta hadday gobol tahay iyo hadday Caasimadda tahayba”

Wasiirku wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigi doono Liiska dhalinyarada ay hadda hayaan “Iyadoo hawlgalkiina socdo,laga bilaabo sanadkan cusub Liiska Ilmaha yare e aanu hayno, ama magaalada ha joogo ama ha ka maqnaadee goor aanu qabanaba waanu qabanaynaa.waanu haynaa tiro koobkoodii daanta uu doonaba ha joogee”

Wasiirku waxa uu Cuqaasha kula dardaarmay inaan Qoonta ama magta lala bixin Wiilasha dadka wax u gaysta “Cuqaasha waxaan leeyahay Inanka yar ee Cid dila ama dhib gaysta waa inaan lala bixin oo sidii Inoo caaddada ahayd aan Qoyskooda lala qaybsan Qoonta ama Magta ee dhibaatadu Qoyskooda ku koobnaato” ayuu yidhi Wasiir Cali Cilmi.

Wasiir xigeenka Amnigu waxa uu farriin u diray Bulshada Somaliland “Waxaan halkan farriin uga dirayaa Bulshada Somaliland oon leeyahay Way soo jeedaan Hay’addaha amaanka oo wasaaradda Daakhiliga iyo Ciidamadu ugu horeeyaan, waxay indho dheer ku eegayaan cidkasta oo nabad galyada khalkhalinaysa,mana u dulqaadan doono, haddii ay Inan yar tahay iyo hadday Cadaw shisheeye tahayba.waxaanu leenahay Ninkii hadhaw qoomamayn doonow ilmahaaga hayso, addigaana ku xigi oo Boolisku ku xidhi,magna ma leh Cid kasta oo Nabadgalyada waxyeelaysay oo Boolisku dilo” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo Magaalada Hargeysa laga dareemayo Hawlgalka ka dhanka ah Dhalinyarada rabshadaha samaysa oo aan wax dhib ah laga soo sheegin Magaalada tan iyo Markii Boolisku bilaabay ugaadhigooda. Cuqaasha Maroodijeex ayaa sidoo kale wasaaradda daakhiliga u saxeexay inaan Mag la iska waydiin Dhalinyarada hawlgalka Booliska wax ku noqota ama ku dhimata.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here