Daawo Muuqaal: Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Asxaabta Qaranka Oo Ka Arrinsaday Qabanqaabada Doorashada

0
904

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hogaanka Xisbiyada Qaranka Somaliland,ayaa kulan la yeeshay Guddida doorashada.kulanka ayaa lagu lafo gurayay arrimaha u diyaar garowga Doorashada loo asteeyay inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sanadkan 2015-ka.

Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin,Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Ucid Mujaahid Cali Guray iyo Xoghayaha arrimaha dibadda Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal,ayaa saxaafadda uga xog waramay kulankaasi markii uu dhamaaday,waxaanay sheegeen inay si fiican iskula fahmeen Qorshaha doorashada iyo qaabka Komishanku wax u wado.

Mujaahid Cali Guray,ayaa Komishanka ku sifeeyay kii ugu fiicnaa ee Somaliland soo mara “Waxaan idiin sheegayaa in Komishankani yahay kii ugu heer sareeyay, kana go’an tahay inay dalkan doorasho ka hir galiyaan wakhtiga ugu horeeya ee suuro gal ah.waxay dhameeyeen wixii dhankooda kaga xidhaa oo dhan” ayuu yidhi Cali Guray.

Mudane Maxamed Kaahin,ayaa isna sheegay in Komishanku warbixin hufan siiyeen Asxaabta, islamarkaana Madaxda Xisbiyadu ku kordhiyeen wixii ay talo hayeen iyo sida ugu haboon ee lagu gaadhi karo Doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta “Xisbiyadu wixii ay talo Hayeen Way u shegeen,Arinta Doorashaduna Wali Qabyo Weeyaan,Hawshiina Way Socotaa Dhamays tirkeediina Waa Lagu Guda Jiraa,Gudida Doorashooyinka Ayaa Noo Soo sheegi Doono,Markaa Arinka Waxaanu kaga wada Shaqayn Doonaa Si Aad u wanaagsan.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin

 

Dr Maxamed Cismaan Fadal,ayaa isna waxa uu sheegay in  Bulshada iyo Asxaabtuba Komishanka ugu fadhiyaan inay cayimaan wakhtiga doorashada iyo qabashada Diwaangalinta codbixiyeyaasha.waxa uu sheegay inay hadda ku qanceen qaabka ay wax u wadaan iyo warbixinta Komishanku siiyay “Waxa ay Maanta nooga Warameen Halka ay Hawlaha Marinayaan,Dadkuna waxa ay ka Sugayaan Halka Ay wax u marayaan,Warka ugu Muhiimsan ee Ay dadku Sugayaan waxa uu Ahaa in Doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto,Hawshaasna waanu ku qanac-nay.Haaya’ddaha Oo dhan waxa ay Rabaa in ay Doorashadu Dhacdo waxaana ay dhagta u taagayaan sidii Doorashadu u dhici Lahayd,Hawsha ay Wadaan Waanu ku qanac-nay Wixii kale ee hawl ah Ee u hadhsana Waa ay Noo Balan Qadeen in ay Dhamayn Doonaan” ayuu yidhi Dr Fadal

 

Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa Kalsooni badan ka muujinaya Komishanka doorashada Somaliland,hase ahaatee waxay si wayn uga walwalsan yihiin  dib u dhac doorashada ku yimaada oo Xukumaddu sababto. Asxaabta ayaa ku dooda inaan Xukumaddu doorasho u diyaar ahayn, balse Xukumadda ayaa masuuliyadda doorashada iskaga leexisa Komishanka.

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here