“Waxaan u arkaa shir guul weyn u soo hooyay shacbiga Somaliland”…

0
530

Nairobi (HP): Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa guul weyn oo Somaliland u soo hoyatay ku tilmaamay shirkii ku dhexmaray dawladda federaalka Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in khudbadii uu madaxweynaha Somaliland ka jeediyay shirkaasi ay wax weyn ka bedeshay wacyiga ay Somaliland ka qabeen xubnihii wadamadda kale ka socday ee aan waxba kala socon dhibaatooyinkii loo gaystay shacbiga Somaliland.

Maxamed Biixi Yoonis, oo la hadlay Horn Cable TV isagoo ku sugan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa xusay Somaliland ay faa’iido weyn iyo guul muuqata ka gaashay shirkaasi.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan u arkaa shir dhab ahaantii guul weyn u soo hooyay shacbiga Somaliland.

Khudbada madaxweynuhu shirka ka akhriyayna waxay ahayd khudbad taariikhi ah oo iftiimisay wadyiga Somaliland hadda ku jirto, wixii ina soo maray iyo wixii inagu dhacay markii aynu Soomaaliya israacnay.

Waxay ahayd khudbad wax badan oo aanay ogayn u iftiimisay wufuudii caalamka ee shirka ka qaybgalay.

Waxaan qabnaa in aan qadiyadeenii iyo wixii aynu tabanaynayba si fiican u dhiibnay, dadkuna aad ayey ugu dhegtaagayeen, dadkii ajanabiga ahaa ee ila soo xidhiidhayna waxa ay muujiyeen in aanay waxba kala socon wixii wadanka ka dhacay oo way ku baraarugeen”.

Geesta kale Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu fahfaahin ka bixiyay qodobadii bud-dhiga u ahaa garnaqsiga Somaliland ee shirkii Jabuuti, iyo waxyaabihii ay Soomaaliya ka wadahadlayeen kuwii ugu muhiimsanaa.

“Waxaa nasiib wanaaga, guddiyada farsamo ee wada fadhiya wajiga labaad ee shirka waxa dhex joogga oo dhexdhexaadinaya wasiirka arrimaha dibada ee Djibouti, weftiyadii ka socday Maraykanka iyo midowga Yurub, markaa dee markhaatiyaalbaa joogga.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee laga hadlay waxa saldhig u ahaa heshiisyadii hore loo galay ee ay kamid ahaayeen in aan la siyaasaddeyn arrimaha dhaqaalaha.

Arrimaha maamulka Hawada, in la joojiyo eeddeymaha iyo sidii loo qaybsan lahaa wixii dhaqaale ah ee aynu wada leenahay in la fuliyo ayaa laga wada hadlay” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Dhinaca kale Maxamed Biixi, waxa uu ka hadlay fursadaha u banaan ee ay Somaliland kaga gar-naqsan karto fagareyasha caalamka ee ay kula doodi karto Soomaaliya.

Waxaanu yidhi,  “Somaliland siyaabo badan ayaa u furan oo ay kaga go’i karto Soomaaliya, hase yeeshee waxa ka go’an iminka in ay tix-geliso aragtida beesha caalamka ee ah in la wadahadlo, wax badana way dhisatay oo u sahlaya in ay madaxbanaanideeda xaqiijiso”.

“Markaa haddii ay Soomaaliya aakhirka diiddo in ay aqbasho gooni-isu-taaga Somaliland waxa imanaysa in la maro dariiqii loo maray wadamo kale oo badan oo ay kamid tahay koonfurta Suudaan, taasoo ah in afti laga qaado shacbiga Jamhuuriyada Somaliland, haddii taa la gaadhi waayana Somaliland waxa u banaan dariiqyo kale oo ay ku socon karto”ayuu yidhi wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here