Wasaaradda Beeraha Oo Ayax Buufin Ka Fulisay Deegaamo Ka Tirsan Awdal

0
787

Baki (Hargeisa Press): Wasaaradda beeraha Somaliland aya maanta hawlo Ayax buufin ah ka fulisay deegaamo ka tirsan gobolka Awdal oo si xun u aafeeyay Ayax beryahanba goboladda dalka ku habsaday.

Buufinta Ayaxa ee ay wasaaradda beeruhu ka fulisay gobolka Awdal ayaa noqonaysa wejigii koowaad ee la dagaalanka Ayaxa, taasoo qayb ka ah xakamaynta Ayaxan dilaacay.

Deegaamadda Ayax buufinta laga sameeyay waxaa ka mida Xeego, Ruqi, Baki, iyo Cadaad, kuwaasoo dhamaantoodba ka tirsan gobolka Awdal.

Waxaana loo adeegsanayay Ayax buufintani gawaadhi ay ku rakiban yihiin  qalab ama Haamo ay ku jiraan suntan lagula dagaalamo Ayaxa, taasoo ay wasaaradda beeruhu hore u sheegtay in aanay wax dhibaato ah gaadhsiinaynin dadka, duunyadda, deegaanka iyo noolaha kale toona.

Hawl-galkan Ayaxa lagu buufinayay waxaa hogaaminayay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda beeraha Somaliland  oo ay ka mid ahayd isu-duwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Awdal Nimco Maxamed Daahir, agaasimaha waaxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland Mukhtaar C/raxmaan Cilmi.

Ayax buufinta oo loo isticmaalayay baabuur waxaa ku xigi doonta mid ay samaynayaan diyaarado ka mida nooca qumaatiga u kaca oo dhawaan ay hay’adda FOA ku soo caawisay Somaliland si ay uga qaataan la dagaalanka Ayaxa.

Maadaama oo ay jiraan dhul burro ah oo Ayaxu ku habsaday oo aanay gaadhi Karin baabuurtu, sida ay sheegtay isu-duwaha wasaaradda beeraha ee Awdal, Nimco Maxamed Daahir.

 

Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here