Talaalka Covid-19 oo La Filayo Inuu Somaliland Soo Gaadho

0
2105

Hargeisa (Hargeisa Press) — Wasiirka Horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Bade ayaa sheegay in dhawaan la filayo in talaalka xanuunka karoona fayras  uu soo gaadho Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in Hay’adda Unicef iyo Shirkadda DP World in Somaliland ay usoo mariyaan talaalkaasi wadamada bariga iyo badhtamaha Afrika ee aan badaha lahayn.

Isagoo sheegay in Somaliland ay marin muhiim ah u tahay sidii loo gaadhsiin lahaa wadamada aan badaha lahayn Tallaal covid 19 waxaanu wasiirku sheegay in Somaliland qeybteeda ay ka heli doonto tallaalkaasi.

Geesta kale, wasiirka caafimaadka Cumar Cali Cabidlaahi Badde waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay samaynayaan daraasado laguu qiimayno halka laga bilaabyo talaalkaasi marka uu ina soo gaadho.

Gabagbadii waxaa uu wasiirka caafimaadku sheegay in xanuunka Covid 19 uu samaynayo isbadalo balaadhan isagoo aduunka meelaha qaar kusii fidiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here