Laascaanood: Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Si Diiran Loo Soo Dhaweeyay

0
1418

Laascaanood (HP): Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weftiga wasiirka waxaa ku wehelinaya agaasimaha guud ee madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile iyo musharaxa  madaxweyne ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Waxaana soo dhawaynta wasiirka ka qayb qaatay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, salaadiin, cuqaal, waxgarad, odayaal iyo dadweynaha magaaladda Laascaanood.

Maayarka Laascaanood Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed, oo soo dhawaynta wasiirka ka hadlay ayaa sheegay in sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay ay muujinayso  taageeradda weyn ee ay bulshadda gobolka Sool u hayaan wasiirka.

Badhasaabka Sool, C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa isna tilmaamay in subaxnimadii saaka ilaa duhurnimadii ay boqolaal dadweyne ah oo u diyaarsanaa soo dhawaynta weftiga wasiirka ay taxnaayeen Guumays, Adhi Cadeeye ilaa magaaladda Laascaanood.

Odayaashii iyo madax dhaqameedkii wasiirka soo dhaweeyay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinkiisa, isla markaana ay muddo badan sugayeen.

Geesta kale Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa uga mahad naqay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisaba.

Waxaanu tilmaamay in u jeedadda socdaalkiisu ay la xidhiidho danaha iyo horumarinta gobolka Sool. Isagoona xusay in muddo dheer uu ka maqnaa gobolka, balse taasi ay sababtay hawlaha adag ee uu qaranka u hayo awgeed.

Halkan Ka Daawo Soo Dhawaynta Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Laascaanood:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here