Shirka Wadatashiga Isbedelka Cimilada Somaliland oo Maanta Furmay

0
569

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb galay shirka heer Qaran ee Wadatashiga Saamaynta Isbedelka Cimilada Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanku.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay dhamaanba daneeyeyaasha isbedelka cimiladda, iyadoona shirkan lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhashay saamaynta uu keenqy isbedelka cimiladda adduunka.

Furitaankii shirkaasi madaxdii ka soo qayb gaahay waxaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, iyo masuuliyiin kala duwan oo aqoon u leh arrimaha deegaanka.

 

LEAVE A REPLY