Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud oo si wada jira u dhagax dhigay waddo laami ah oo maridoonta gudaha Madaxtooyada + SAWIRRO

0
920

Hargeysa, (HargeisaPress) —Iyadoo lagu jiro tabaabushaha iyo u diyaar garawga dabbaaldega 25 guurada ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland, Madaxweynuhuna uu dhawaan dhisay guddida heer qaran ee qaban qaabada iyo agaasinka xuskaa weyn ee 18may, Guddidaas oo ay wada shaqayndoonan guddiyada heer gobol iyo degmo ee dalka, ayaa gudaha madaxtooyada Somaliland waxa mudooyinkan danbe ka socda hawlo banayn iyo qurxin isugu jirta.

44231fd3-3976-4217-a01d-11876612179a

Iyadoo laga duulayo diyaar garawgaasi munaasibada qaran, ayaa wasiiru-dawlaha Madaxtooyada mudane Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddu Marwo khadra Xaaji Gaydh, waxay dhagax dhigeen waddo maridoonta gudaha madaxtooyada oo laami ah, taas oo isku xidhi doonta gudaha madaxtooyada ilaa mid ka mida wajahada hore ee Madaxtooyada.

KHADRA MAD

Sidoo kale fagaare labaad oo lagu qaban doono dabbaaldega 18 may iyo munaasibadaha kale ee qaranka ayaa lag bineeyey gudaha madaxtooyada Somaliland.

c3a5eea6-99d5-4e99-8f4a-0ba18eef784d

Guddiyada heer gobol iyo degmo ayaa iyaguna gudogalay qabanqaabada iyo agaasimka 25 guurada 18 may.

d179d7ff-e012-4998-be43-ac729ec3eea2

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here