Nina Gabanki uu Dhalay Gacatiisa Kuma Dilee ! Ma Markaad Gaajootaa Garaba Maalin Dubataa ?? By: Samia Muse

0
1060

Xukumadda Somaliland Markasta Ay Timaado Gobolka Saaxil Waxay Dhagax Dhigaysay Dhagaxii Colaada Iyo Cabashada !!! Gobolka Saaxil Wuxu Noqday Mashruucii Xukumadda Somaliland Ee 6 Sano Ay Joogtay !

 

Waxa Aan Muddo Wada Arkaynay Socdaalkii Xukumada Somaliland Ee Gobolka Saaxil, Waxaano Arkaynay Markasta Dadka Gobolka Saaxil Dagan O Markasta Cabasho Iyo Cadaalad Daro Tabanayay Laakin Xukumada Somaliland Way Ka Dhaga Furaystay !!!!!

 

Cadaalad Darro Fara Badan Ayaa Ka Taagneed Gobolka Saaxil O Walina Ka Taagan O Waliba Ah Cadaalad Darro Muuqata ! Waana Cadaalad Darro Aanay Ka Hadlin Marnaba Xukuumada Somaliland , Golaha Wakiilada , Guurtida Iyo Dhamaan Shacabka Somaliland  Taasina Ay Sababtay Inay Keento Xanuun Iyo Gucoshu Badan Waaxana Ka Mid Ah :

 

  • Wareejinta Warshadii Sibedhka Ee Berbera
  • Wareejinta Warshada laydhka berbera
  • Wareejinta Haamihii Shidaalka Berbera
  • Shaqaalihi Haamaha Shidaalka O Qasab Lagaga Saxeexayay Contract 6 Bilood Ah
  • Sanaadiiqdi Diiwaan Galina Ee Ahaa 16-6= 6 Sanduuq Ah O Waliba Goobihii Muhiimaka Ahaa Laga Jaray Taasina Ay Tahay Maslaxad Ugu Jirta Xukumadda Inay Ku Yareeso Goobaha Ay Dadka Deegaanku Codka Badan Ku Leeyihiin !!!!
  • Degaddii Cel Gerde Oo Mudda 3 Bilood Ah Laga Cabanayay Kana Taagneed Xiisadan Maanta Falka Xum Leh Ka Dhacday O Ay Dhamaan Ku Riday Qarankii Somaliland Muruugada Iyo Cabsida Waayo Maanta Haday Xukuumada Mar Hore Dhagaha O Furi Lahayed Dadka Amma Arinta Khilaafka Waxaano Ka Bad Baadi Lahayen Falkii Xumaa Ee O Ku Geeriyooday Marxuumkii Allah Ha U Naxariiste Casayer LaTaliyihi Gobolka Saaxil.
  • Xadhiga Salaadiinta , Coqaasha Iyo Wax Garadka Ku Xidhan Xabsiyada Cadaalad Darro Awgeed.

Malaaha Qadiyadii Somaliland Waxay Ku Xidhantahay Gobolka Saaxil Oo Gacanta Laga  Saaro Madaxtooyada Si Ay Ogu Wareejiyaan Gobalka Iyo Dadkiisa Dhamaan Dawlada Isku Taga Emaaraatka Carabta ?? !!

 

Waxaan Aad Oga Xumahay Xukumada Somaliland O Ku Caan Baxday 6 Sano Ay Dalka Haysay  Xukumadii Shirqoolka Iyo Fitnada !!! Xukumad Tumaysa Durbaanada Colaada O Kulba Shaadh Cusub Soo Xidhanaysa !!!

 

Qaranka Somaliland Waa Qaran Dadka Ka Wada Dhexeeya O Qof Kasta O Mawaadin Ah Masuul Ka Yahay Sidii Oo U Xafidii Lahaa Qaranka Mana U Malaynayo Inoo Qof Muadin Ihii Oo Qarankiisa Jecele Inoo Xumaan Iyo Colaad O Quudhi Karo Dadkiisa Iyo Dalkiisaba??

 

Waxaan Xukuumada Somaliland Ogu Baaqaya In Si Deg Deg Ah O Sii Dayso Salaadiinta Iyo Cuqaasha Xabsiyada Mandheera Iyo Meel Kasta Xaqdarada Ogu Jira , Waxaa Ceeb Ku Ah Qaranka Somaliland In Odayaasha Iyo Salaadiinta Iyo Cuqaasha In Loo Qoodho Xabsi Waxaanay Tahay Arintaasi Dhaawac Qaran Oo Ku Lid Ah Xaqdhawrka Bulshada Somaliland.

 

Gafku yaanu Darajiyo

Kuu Noqonin Gaashaan

Gabood aad ka dhigatoo

Dadku yaanay kuu Garan

Qof xumaha Gardaadiya

..

Inkastood Ahayd Guul

Qof Dadaal u Gaar Yahay

Oon Ka Gaabin Tamarti

Wixii kaa Gedmaday Shalay

Maanka yaanay Gocoshiyo

Ku Abuurin Gubashee

Maantiyo Wixii Gara

Ee kula Gudboon Yeel

. .

Hawl Aanad wali galin

Horteed Gogol u sii xaadh

Maalmaha is Garab yaal

Mid waliba geday Tahay

Dhacdadeeda kafa Gudub

.

Ma guuraanka dhaqankiyo

Hidaheena guunka ah

Hantidaada gaarka ah

Inay tahay garawso

qof ahay wax gali kara…

 

Waa Erayadii Abwaan Laabsaalax

 

La Taliyaha Arimaha Dibadda Ee Musharaxa Madaxweyne Xisbiga UCID

Samia Muse

Xalkeedii Keeni Lahayed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here