Wasiirkii Amniga Jubaland Oo Muqdisho Ku Xidhan

0
531

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Wasiirka amniga gudaha ee maamul goboleedka Jubaland C/rashiid Xasan Nuur, ayaa la sheegay in maanta dawladda federaalku ay  xidhay magaaladda Muqdisho.

Xili uu wasiirka Jubaland ku sii jeeday magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa la sheegay in laga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Inkastoo maamulka Jubaland uu beeniyay wararka sheegaya in  Muqdisho lagu xidhay wasiirkoodda amniga.

Hase yeeshee warar ku dhaw dhaw madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay in wasiirka amniga Jubaland uu ku xidhan yahay Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta ee maamul goboleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in wararka suuqyadda la sila dhex marayo maahee, aanay iyagu haynin warar cadaynaya wasiirkoodii amnigu Muqdisho ku xidhan yahay.

“Wararka ku-tiri-kuteenka ah, ee suuqyadda maahee, wax cadayn ah oo xaqiiqo ah, oo aanu anagu hayno, ama xagiisa naga soo gaadhay ama dadka la shaqeeya ma jirto”ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Jubaland oo maanta la hadlay BBC.

Wasiir Cabdi Xuseen, oo la waydiiyay wakhtigii iyaga ugu war danbaysay wasiirkoodda amnigu halka uu joogay, waxa uu sheegay in ay ku ogaayeen magaaladda Doolow.

Waxaanu yidhi “Anaga markii noogu war danbaysay, wuxuu ku sugnaa magaaladda Doollow”.

Geesta kale Cabdi Xuseen Sheekh, waxa uu carabka ku dhuftay in aanay wax lala yaabo ahayn in dawladda federaalku ay xidho wasiirka amniga Jubaland, isla markaana xiligan xukuumadda Khayre wax kasta laga filan karo.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waa wax dhici kara, oo imika kuma odhan karo wax dhici kara ma aha. Dawladda federaalka Soomaaliya imika wax waliba agteedda wuu ka suurto gelayaa.

Laakiin, anagu weli ma hayno war cadaynaya in wasiirku xidhan yahay. Mana odhan karno waa xaqiiq arrintaasi. Weli-na lamaan hadal madaxtooyadda Jubaland. Markaa waan ogaan doonaa saacadaha soo socda waxa uu ku sugan yahay wasiirku”.

Wasiirka warfaafinta Jubaland ayaa ku dooday in aanay dawladda federaalka Soomaaliya awood u lahayn in ay xidho wasiirkoodda amniga, maadaama uu xasaanad leeyahay.

 

“Waa wasiir xasaanad leh, wax denbi ahna faraha kulama jirin, mana xidhi karaan. Waan ogaan doonaa kolay sida xaaladu noqoto, kana hor dhici maayo imika” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Jubaland.

Dhinaca kale haddii uu dhab noqdo warka ah in dawladda federaalku Muqdisho ku xidhay wasiirka amniga Jubaland waxaa la filayaa in tallaabadaasi ay sii huriso khilaafkii u dhexeeyay xukuumadda federaalka iyo maamulka Jubaland oo mudooyinkan danbe meel xun gaadhay.

Kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya ay qaadacday doorashadii madaxweynaha maamulka Jubaland mar kale dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe).

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here