Dawladda Soomaaliya Oo Mashuur Horumarineed Ka Fulinaysa Magaaladda Berbera

0
509

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ururka Midawga Yurub la saxeexatay heshiiska mshaariic horumarineed oo ku kacay 23 milyan oo Yuuro.

Mashaariicdan horumarineed ayaa la sheegay in ay laga fulin doono magaalooyinka Berbera iyo Muqdisho.

Taasoo 15 Milyan oo ka mida loogu tallo galay in mashaariic lagaga fuliyo Muqdisho, halka 13-ka milayn ee kale-na loo qoondeeyay magaaladda Berbera.

Wasiirka qorshaynta ee dawladda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee ururka midawga Yurub u qaabilsan horumarinta caalamiga ah mr. Mr Stefano Manservisi, ayaa maanta magaaladda Muqdisho si wada jira u saxeexay lacag dhan  23 milyan oo Yuurro.

Lacagtaasi oo midawga Yurub ku maalgelinayo mashruuca Eng. Yariisow, oo loogu magac daray duqii hore ee Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa lagu horumarin doonaa magaalooyinka Berbera iyo Muqdisho.

Mashruucan ayaa qaybtiisa hore lagu maalgelinayo Muqdisho lacag dhan 15 milyan oo Yuurro, taasoo lagu dhisi doono waddo casriya oo dhererkeedu yahay 17KM.

Halka qaybta loo qoondeeyay Berbera oo ah lacag dhan 13 milyan oo Yuuro,  lagu xoojin doono awoodda dawladda hoose ee qorshaha horumarinta iyo maalgelinta magaalooyinka.

Munaasibadii lagu saxeexayay heshiiska mashaariicdani waxaa goob joog ka ahaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo safiirka ururka midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez.

Agaasimaha guud ee ururka midawga Yurub u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ayaa munaasibadda saxeexa ka sheegay in mashaariicdani ay ka qayb qaadanayaan hirgelinta hindiseyaashii iyo himilooyinkii duqii hore ee Muqdisho Eng. Yariisow.

Isagoo xusay in ay mashaariicdani qayb ka yihiin barnaamijka ururka midawga Yurub kaga qayb qaadanayo horumarinta Soomaaliya.

“Waan ku faraxsan-nahay in aan mashruucani kala saxeexano xukuumadda federaalka Soomaaliya. Saxeexa mashruucani waa mid muhiimad gaara leh. Waayo? Wuxuu ka fuli doonaa magaalooyinka Berbera iyo Muqdisho”.

Mr. Steven ayaa amaanay duqii hore ee Muqdisho oo uu sheegay in uu dedaal ugu jiray sidii loo horumarin lahaa caasimadda Muqdisho, isla markaana marar badan ay ka wada shaqeeyeen mashaariic laga fulinayay Muqdisho.

Wasiirka qorshaynta dawladda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan,  oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani dhawaan la hirgelin doono.

Waxaanu yidhi “Lacagtan 23-ka Milyan ee Yuuro ah, 15 milyan oo ka mida magaaladda Muqdisho ama gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay, oo la rabo in loogu sameeyo wadooyin.

13-ka milyan ee kale, waxaanu ugu tallo galnay magaaladda Berbera. Si wax loogaga qabto arrimaha dawladda hoose ee Berbera u baahan tahay, sida hagaajinta jidadka magaaladda iyo Bilaacadaha”.

Dhinaca kale labadan mashruuc ee laga hirgelin doono Berbera iyo Muqdisho ayay dawladda federalka Soomaaliya ku sheegtay in ay qayb ka yihiin qorshaha xukuumadda ee lagu xoojinayo dawladaha hoose ee dalka.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY