Ha Ku Hodmin Karka Siyaasadda! By: Cumar M. Faarax

0
616

Ha Ku Hodmin Karka Siyaasadda!  By: Cumar M. Faarax

“Intay dhibidee hore

Intay dhididay ee kale

Intay dhaqan xumaatiyo

Intay dhacantay maandeeq

Midna kuma dhadhabayee

Yay dhaliili doonaan

Hadday dhama’do caawana?”

Alle ha u naxariisto Abwaan Axmed Muxumed Warsame“Axmed Genius.”

Dad badan ayaa yooyootanka  iyo khilaafyada gudaheenna u fahma inay Somaliland ku kala tagayso, ama ugu yaraan ay wiiqayso xawaaarihii ay ku socotay oo lagaga jeedsan karo in la ikhtiraaco  dedaal hor leh oo aynu madax-bannaanida dalkan  ku iibgeyn karno.

Nin dhallinyaro ah oo aanu isku fil nahay isla markaana rafiiq ahaan jirnay oo hadda ku nool mid ka mid ah dalalka reer galbeedka, ayaa habeen afraadkii  igala soo xidhiidhay  Saxaafadda bulshada, isagoo I bidayey xog ogaalnimo, ayuu  muddo saacad ka badan iga waraysanayey in  khilaafyada maxaliga ah ee ka jira Somaliland ay  suurtogal tahay inay mijo-xaabiyaan  qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland!

“Waxa maalmahan  noo  faanaayey  axsaabtayada qurbaha ee reer  Soomaaliya oo  lahaa ‘Somaliland waxay ku socotaa jidkii ay nagula masoobi laheyd, waliba waxay na dheer tihiin qabyaaladda.’  Annaguna waxaannu kaftan ugu bayaaminay  in Somaliland ay leedahay dhaqan ah; in sida ugu adag loo wada doodo iyadoo aan waxba la isku reebaynin.

Hadda-na aakhirka waxaannu ku wada mintidnaa qaranimadayada oo qiime adag nagu joogta,”ayuu yidhi ninkaas oo iga codsaday in aan shacabka  la wadaago in Siyaasadda Somaliland  ku salaysnaato  “Lafta jabi xarraganna  ha ka tagin.” oo uu uga jeeday in siyaasadda laga fogeeyo reernimada iyo qabyaaladda mutan.

Inkasta oo ay waajib tahay  in xal gudaheenna ka yimaada lagu furdaamiyo  khilaafyada ka aloosan berriga Somaliland, gaar ahaan Arrinta Col. Caare iyo colaadaha soo noqnoqday ee  u dhexeeya ardaayada walaalaha ah ee reer Ceel-afweyn, maadaama oo siyaasadda guduhu  siday tahay ay saameynayso sumcadii ay Somaliland ku laheyd dibadda oo aheyd mid togan oo la innoo   qirsan yahay  dal jira oo nabad iyo dimuqraadiyadi ka hirgashay oo juhdi ugu jira sidii ay u kasban lahaayeen  aqoonsigii ay ku fadhiisan lahaayeen goleyaasha caalamiga ah.

 

Waxa wax  lagu diirsado ah hadalkii Khamiistii Toddobaadkii hore uu Afhayeenka Xisbiga WADDANI Mr. Barkhad Jaamac Batuun, ka jeediyey Xafladii loo sameeyey 883 arday oo ka aflaxay jaamacadda Hargeysa oo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu goob joog ka ahaa.

Mr. Barkhad wuxuu  madashaas ka sheegay kelmad tumaati ku ah cadowga Somaliland oo ka turjumaysa  sida Somaliland mucaarid iyo muxaafidba ugu middeysan yihiin qarannimada JSL.  “Waxaan leeyahay Puntland khilaafka Axsaabta siyaasadda  iyo Xukuumadda Somaliland ha ku kedsoomina (ha ku lumina). Annaga (Waddani) Madaxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi oo  muxaafid iyo mucaaridba isagaa madaxwyne u ah, isagaanu ku taageersannahay inuu qaranka ilaaliyo.

Marka aanu hadlayno ee aanu maagayno waa lexjecelo aanu ka qabno ee xumaan aanu u ahayno maaha,” ayuu ugu digay Maaaamulka Garoowe  Barkhad Jaamac Batuun oo sacabkii u dhacay ruxay  shucuurtii  xafladii qalinjabinta.  Waa  kaas sifaha   mucaaridka looga fadhiyo marka ay joogto difaaca danaha guud.

Waxaa  Somaliland lagu  Shirabayaa  inaynu la nimaadno xeeladdii aynu ku qaban laheyn doorashadda Golaha Wakiillada  oo “Naaneys taban” u soo jiiday hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland oo aan la aqbali karin  in 14 sannadood uu Baarlamaankeennu fadhiyo xafiiska.

Iyadoo aanay jirin sababo maangal ah oo ay u baaqsato doorashaddu muddadaas dheer ee uu qaangaadhka ku dhow yahay wiilkii dhashay sannadkii  2005tii oo aqalka Wakiillada la soo doortay!

Michael Rubin oo ah falanqeeye  iyo khabiir hore oo ka tirsanaan jiray Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, ayaa dhawaan  qormo uu ku daabacay Warbaahinta caalamiga, wuxuu isku barbar-dhigay dawladnimada raasamaaalka ah ee Somaliland ku naalooneyso  iyo nidaam  la’aanta bariinsatay Soomaaliya.

Waxaannu yidhi : “Somaliland  waxay xukuntaa dhul masaafadiisu dhan tahay 50 kun oo Mayl oo laba jibaaran, halka dawladda Muqdisho oo Maraykanku bilaayiin doolar geliyeyna ay ka taliso 50kun oo tallaabo oo kaliya.” Wuxuuna ku guubaabiyey Maraykanka inuu wax la qabsado Somaliland intii uu ku caydhoobi  lahaa Soomaaliya oo quus laga joogo inay nabadi ka aslaaxdo.

Ma habboon tahay inaan  la shaasheyn sumcada arrimaha  dibadda Somliland oo gaadhay  marxlad u baahan in dib loogu xoojiyo xoog iyo xoolaba, isla markaana aynu la nimaadno siyaasad indheer garad ah oo fursadaha soo mara ka faa’iidaysa il-bidhiqsi  kasta.

Waxaan ku soo gunaanadayaa  hal-ku-dheg laga guntay   Steven Paul Jobs oo ahaa maalqabeen Maraykanka ah oo ku tiraabay;  “Macno ma leh inaan shaqaaleyno dadka caqliga badan oo aynu haddanna u yeedhinno waxay qabanayaan, waase  inaynu shaqaaleynaa  waxgaradka  oo ay iyagu inoo sheegaan waxaynu  qabanayno.”

W/Q: Cumar Maxamed Faarax

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA

Hargeisa, Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here