Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Casho Sharaf U Sameeyey 416 Arday Oo ka Qalin Jabiyey Jaamacada ADMAS + SAWIRRO

0
978

casho-sharaftHargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si tallooyin maan-gal ah oo ay nolosha iyo mustaqbalka ku hawl-geli karaan u jeediyay 416 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacadda ADMAS Salaasadii todobaadkan oo uu xaflad casho sharaf ah ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay inuu xafladaas casho-sharafta ah ugu tallo galay inuu ardayda ka qalin-jabisay jaamacadda dareen siiyo siday xukuumadoodu ula wadaagayaan farxadda iyo horumarka ay ka sameeyeen dhinaca tacliinta.

“Waxayd ahayd Salaasadii kadib markii aan ka qayb-galnay qalin-jabinta dufcadii 6aad ee ka baxda Jaamacadda ADMAS University. Tirada ardaydan ayaa ahayd 416 arday oo ka soo qalinjabiyey kuliyadaha kala duwan ee jaamacadu ka kooban tahay. Isla xalay (habeen-hore) ayeyna ahayd markaan casho sharaf la qaatay , taasi oo muhiimadeedu ahayd in aan la soo farxad iyo dareen qaybsado isla markaana nolosha dambe ee sugaysa dardaaran iyo duco ugu hibayno.”

“Waa dhab oo maanta ayey nolosha qaybteeda labaad bilaabayaan iyagoo ka fursad badan cid walba!, dabcan way ka fursad badan yihiin shalay oo maanta waa aqoonyahano dhiiran oo dhulkoodii jooga,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan sida lagu baahiyay mareegtiisa Internet-ka ee guusha.com

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyay “Waxaan idiinku hambalyeynayaa in Maanta wixii ka dambeeya aad ka xorowdeen in maskaxdiina cid kale adeegsato oo aad noqoteen aqoonyahano maankooda kaashan kara. (Education is the key to unlock the golden door of freedom).”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu dar-daaran adag u jeediyay ardayda ka baxday jaamacadda oo uu u tilmaamay inay awooda saaraan sidii ay fursado ay noloshooda ku maareeyaan samaystaan, waxaanu yidhi “Waa hubaal oo maanta waxaad dhamaysateen shahaadada koowaad ee Jaamacadda taasi oo la macno ah in aad barateen sida loo kaluumaysto isla markaana aad ka maaranteen cid kalluun idin siisa marwalba. HAA, adiga ayaa maanta kadib kalluumaysan kara oo bad-weynta nolosha kala soo bixi kara noloshaada ogow fursadu hadyad maaha ee waa mid u baahan dhabar adayg, samir iyo adkaysi si aad guushaada iyo yoolkaaga u gaadho.Barta oo samaysta ururo iyo kooxo abuuran karo fursado shaqo oo halkii ay cid u shaqayn lahayeen iyaga loo shaqeeyo.”

Md. Xirsi oo hogo tusaaleynayay ardaydan waxa uu yidhi “Tusaale ahaan maanta waxaad ku qalinjabiseen 416 arday , arday walbana semester –kii waxaa laga qaadi jiray lacag dhan $230, taasi oo la macno ah in aad bixin jirteen lacag dhan $95,680 bal u fiirsada oo maxaa diidaya in aad samaysan kartaan afartii biloodba “Semester” hal mashruuc oo ay u shaqo tegi karaan tobonaan iyo tobanaan idinka mida.?! Waa haddii aad samaysaan nidaamka isla macaashka “shareholders”, Waan idinku riyaaqsanahay oo rajo badan ayaan ka qabaa in aad nolosha ku guulaysan kartaan waayo waxaad beerateen beer wanaagsan.Ogow aqoonta aad baratay waa passport-kii noloshaada berry.”

“Gabagabadii waxaan idinkala dardaarmayaa in aad nolosha ku qaabishaan cabsi aad ka baqaysaan mustaqbalka ,hadda ogow waxa gaajo iyo shaqo la’aan kaaga cabsiinaya waa shaydaanka oo ku iloowsiinaya in aad leedahay rabbi adigoo uurka hooyadaa ku jira ku arsaaqi jiray!Ha ka wel-welin hana ka cabsan mustaqbalka oo ha dhagaysan shaydaanka marwalba kugu cabsi gelinaya Faqri, sida Illahay qur’aankiisa ku sheegay in Shaydaanku dadka u balan qaado ama ku cabsi geliyo Faqri Ku soo dhawaada nolosha idinko madaxiinu kor yahay rajo badana nolosha ka qaba, Wa Bilaahi Tawfiiq,”ayuu waanooyinkiisii ku soo gunaanaday Wasiirka Madaxtooyaddu.

Ma aha markii ugu horaysay ee Wasiir Xirsi casuumo ardayda ka qalin jabisay jaamacadaha dalka, hase yeeshee waa dhaqan uu laasimay oo uu si joogto ah ugu dhiirigeliyo ardayda aflaxday ee dhammaystay shahaadadii kowaad ee jaamacada.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here