Maxakamadda Gobolka Sanaag Oo Sanad iyo Lix Bilood Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Taliyaha Qaybta Booliska Sanaag

0
896

sanaag maxCeerigaabo, (HargeisaPress) — Maxakamadda Gobolka Sanaag ayaa xadhig sanad iyo lix bilood ah ku riday Taliyaha Qayba Booliska ee Gobolka Sanaag Xasan Ismaaciil Yuusuf ka dib eedaymo ku aadan Haweenay Uur leh oo uu Gacanta u qaaday iyo falal Anshaxa Maxakamadda ka baxsan oo uu Maxakamadda oo socota kula kacay.

Xukunka Taliye qaybeedka Booliska Sanaag ayaa u dhignaa sidan:-

Waxay Maxakamaddu ku xukuntay
Waxay Maxakamaddu ku xukuntay

“Gudoomiyaha Maxakamadda Gobolka Sanaag, markuu arkay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sanaag oo Maxakamadda Oo dhegaysanaysa dacwad ciqaab ah oo sumadeedu tahay M/G/S/DC/36/2014 uu gacanta ula tagay Haweenay Uur leh oo la yidhaahdo Faysa Daba-dacawo, Markuu arkay in isagoo hubaysan sitayna Baaskoolad iyo Ul uu si jees-jees ah u dhex lugeeyay Hoolka Maxakamadda dhex-deeda, diidayna inuu baxo, soona jiidhay Ciidankii ilaalinayay Albaabka Maxakamadda Gobolka Sanaag una hogaansami waayay, diidayna xeerka ciqaabta guud Qodobka 95/270.

Ka dib markii Taliyuhu Maxakamadda oo socota kaga dhex dhawaaqay hadalo anshax xumo ah oo lid ku ah shuruucda dalka, una holladay inuu la dagaalamo Garsoorkii dacwada qaadayay.

Waxay Maxakamaddu ku xukuntay:-

  1. Maxakamadda Gobolka Sanaag waxay ku xukuntay Taliye qaybeedka Gobolka Sanaag Xasan Ismaaciil Yuusuf Sanad iyo 6 Bilood(hal sano iyo lix bilood) oo Xadhig ah;
  2. Waxaa la dabaqay 95/270/285/XCG(Xeerka ciqaabta Guud);
  3. Xeerkani waxa uu soo baxay Taariikhda 09/09/2014

Gudoomiyaha Maxakamadda Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan ayaa Qoraal uu soo saaray  Ogaysiiyaya Taliyaha Booliska, Taliyaha  Ciidanka Qalabka sida ee Gobolka Sanaag, Maxakamadda Rafcaanka iyo qaybaha kale ay khusayso in la soo xidho Taliye qaybeedka la Xukumay Xasan Ismaaciil Yuusuf.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here