Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo ka qaybgalay Barnaamij loo soo xidhayay arday dhamaysatay Tababaro dhinaca horumarinta

0
783

Boorama, (HargeisaPress) — Waxaan xalay barnaamij si heersare ah loo soo agaasimay kaga qaybgalay Caasimada Gobolka Awdal ee Borama,Ujeedada Barnaamij-ka ayaa ahayd xidhitaanka dufcad ka kooban 108 arday oo dhamaysatay tababaro dhinaca horumarinta iyo qaabaynta hab dhaqanka nololeed ee Aadamaha ah oo uu soo qaban qaabiyey machadka loogu yeedho “Life Shaping and personal training Institute”

“Waxaan ardayda kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo taariikhdii awoowyaashood kor u sii qaada isla markaana haybadii lagu yaqaanay Awdal aan marnaba hoos u dhigin”

Intii tababarkani socday ayaa ardayda waxaa la siinayey casharo ay kamid yihiin; go’aan qaadashada, xalinta khilaafaadka, garwaaqsiga awoodaha Alle dadka ku manaystay iyo wacyi-gelinta Tahriibka.

Intii munaasbadu socotay ayaad arkaysay ardaydan oo ay ka muuqato hilow badan oo ay u qabaan in ay noloshooda wax ka badalaan sidoo kalena saamayn ku yeeshaan nolosha asxaabtooda kale ee aan fursadan helin.

Waxaa hubaal ah in Shacabka ku dhaqan Borama ay yihiin kuwo taariikhda Somaliland kaga suntan bog dahabiya sidoo kalena lagu xasuusto halyeeyo dhidibada u taagay qaranimada Somaliland.

Waxaan ardayda kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo taariikhdii awoowyaashood kor u sii qaada isla markaana haybadii lagu yaqaanay Awdal aan marnaba hoos u dhigin.

11182105_878877042185625_666570219526711_n

Waxaan sidoo kale isla meel dhignay qiimo darida Tahriibku leeyahay iyo sida aanay marnaba u haboonayn in qof naftiisa ku rido meel aan Alle iyo dadkiisuba mahadin, waxaanan isla qirnay in qarankani u baahan yahay geesiyo wax ku soo kordhiya balse aanu hal qof ka maarmin oo badaha kaga dhinta!

Munaasabadan ayaa ku soo dhamaatay farxad iyo rajo badan oo iftiimaysa sidoo kalena ardayda aan lasoo farxad qaybsanay.

Waa dhab oo aqoonta ayaa dadka cisaysa waana haybad aad leedihiin iyo mudnaan gaara in aynu xalay wada cawaynay.

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here