Wasiirka Madaxtooyada, Haldoor ku sifoobay karti, xilkasnimo, Himilo siyaasadeed oo loo meel dayay iyo hiilka dhalinyarada.

0
1001

Bini`aadamka sababaha illaahay u abuuray waxaa ka mid ah marka laga reebo cibaadada ay caabudayaan Alle (SWT)  inay khaliif ka noqdaan dhulka ,taas oo macnaheedu yahay inay saamayn muuqata ku yeesho qof waliba mudada kooban ee uu dhulka (arlada) ku nool yahay, taas oo dadku ku kala duwan yihiin waxaana u sabab ah kala duwanaanshahooda dhinaca caqliga ama garashada, xilkasnimada, kartida iyo hiigsiga qof waliba leeyahay, waxa kale oo ay ku kala duwan yihiin dariiqa qof qaliba u marayo arintaasi oo kala wanaagsan waxaana yaalaa sababa hibada (talent)  eebe u siiyay arintaasi qofka.

 

Waxa inagu waajib ah inaynu ka markhaati kacno isla markaana uga mahad celino qofka ama masuulka horumar ama hanaan maamul oo toosan ku soo kordhiya jamhuuriyadan curdinka ah ee Somaliland oo aan qabo inuu halgankii 1981 kii weli socdo, oo halgankii xoraynta dalku dhamaaday balse uu socdo halgankii horumarinta dalka. Waxa kale oo jira inay haboon tahay masuulka guta waajibaadkiisa isla markaana leh curinta iyo hal abuurnimada shaqo ama siyaasadeed  inaynu uga mahadcelino mudada uu xilka hayo si ay ugu noqoto dhiirigelin iyo jawaab waafiya oo ka turjumaysa mahad celin halka marka uu dhinto ama shaqada ka tago aynu amaani lahayn.

 

Hadaan u soo dego dulucda qoraalkayga ayaa wuxuu yahay inaan idinla wadaago oo aan idiin soo gudbiyo garashadayda iyo aqoontayda ku qotanta qiimaynta taas oo qof kasta oo akhriyaa ka jawaabi karo inay tahay buun buunin, been abuur iyo inay tahay mid xaqiiqda ku qotonta, waxaan u daynayaa arintaasi caqliga caafimaadka qaba.

 

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu hayay xilka Wasaaradaasi mudo kooban, waxyaabaha ugu wayn ee isbadalay waxa ka mid ah inay meesha ka baxday aragtidii ahayd in Wasiirka Madaxtooyadu ka awood badan yahay Wasiirada kale taas oo garashadiisu siisay inaanay ahayn mid meesha ku haboon, waxa kale oo  meesha ka baxay hadal hayntii dadku hadal hayeen  awoodii Madaxwaynihii cid kale ayaa ku tagri fasha, waxa is badalay kulamo xog waraysi  ah oo madaxtooyadu soo qabanqaabisay oo uu madaxwaynuhu la yeeshay Wasaaradaha , Hay`addaha madaxa banaan oo ay ugu muhiim sanayd kulankii madaxwaynuhu la yeeshay hay`adda shaqaalaha  oo ay ka soo baxday midho wanaagsan oo ay ka mid ahayn in la hubiyo isla markaana dib u habayn lagu sameeyo (reform)  shaqaalaha iyo shaqada wasaaradaha, waxa kale oo Madaxwaynuhu kulan la yeeshay qaar ka mid ah ururada bulshada oo hore aan u helin fursadaasi  arintan oo  ah  isla xisaabtan, waxa kale oo wax wayn laga badalay nidaamka booqashada madaxwaynaha (President Visit Protocol ) oo ay dhici jirtay in wadooyinka hadba dhinaca uu doono uu u maro Madaxwaynuhu, taas oo dadwaynuhu su`aalo iska waydiin jireen taas oo masuuliyadeeda uu leeyahay xafiiska Madaxtooyadu, waxa wax iska badaleen booqashada Madaxwaynaha  ee magaalada gudaheeda ama degmooyinka iyo gobolada kale ee dalka inay cid waliba raacdo sida ka muuqata hada waxaad arkaysaa inay Madaxwaynaha la socdaan oo keliya masuuliyiinta shaqadaasi khusayso, waxa la sameeyay xog haye u gaar ah Golaha Wasiirada, waxa kale oo soo kordhay kulamo Madaxwaynuhu la yeeshay dhamaan masuuliyiinta xukuumadiisa inta badan sida Wasiirada, Agaasimayaasha Guud, Maareeyayaasha iyo Taliyayaasha Ciidamada oo uu la yeeshay kulan hal mar ah oo ay ka soo wada qayb galeen taas oo muhiimad wayn u leh wada shaqaynta iyo wada socodka masuuliyiinta ee hawlaha qaranka, waxa kale oo qabsoomay kulan ay ka qayb galeen Xukuumada, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha Guud, Bashasaabada Gobolada iyo Saxaafada, waxa kale oo si muuqata u shaqeeya La taliyayaasha Madaxwaynaha , waxa kale oo amaan mudan in la fuliyay qisaastii xafiiska madaxwaynaha hor yaalay.

 

Waxa kale oo xusid mudan in Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi wakhtigii uu ahaa Wasiirka Duulista hawada inuu wax wayn ka qabtay shaqada Wasaaradaasi, waxaan ka xusi karaa inuu shaqo abuur u sameeyay dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah oo ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee Wasaarada iyo hay`addaha hoos yimaada, waxa uu ahaa masuulkii 1aad ee dhisay koox ciyaareed markii la dhisay xukuumadii u horaysay ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo, isaga oo dhisay Kooxda Kubada Cagta ee Xidigaha Cirka oo shaqo abuur u noqotay dhalinyaro badan , dhinaca kalena qayb wayn ka qaadatay kor u qaadida tayada ciyaaraha dalka, waxa kale oo ugu wayn  qiimo wayna leh ee aynu xusi karno waxa ay tahay inuu garoonkii Cigaal Internatioanal Airport uu wax wayn ka qabtay, iyada oo wakhtigii uu xilka la wareegay darajada madaarku ahayn darajada 2aad halka uu maanta yahay darajada 10aad oo ah meeqaam la mid ah garoomada dalalka jaarka qaarkood, waxa uu dhisay sadexda qaybood ee ugu muhiimsan marka laga hadlayo madaar ama gegi diyaaradeed oo kala ah:-

 

  1. Adeega (service) madaarku qabto oo horumar lagu sameeyay
  2. Nabadgelyada Madaarka (Security) oo heer caalamiya uu gaadhsiiyay iyo
  3. Badbaadada Madaarka (Safety) oo ay ugu muhiimsan tahay run way ga oo la balaadhiyay

Sadexdan arimood waa kuwa keliya ee lagu qiimeeyo madaarada caalamka ee ay fadhiistaan diyaaradaha muhiimka ah.

 

Waxa kale oo uu xayn daab u sameeyay dhulka uu leeyahay Cigaal International Airport oo hore dhulkiisa muran ugu jiray ama xooluhuba soo galayeen, waxa kale oo uu xayn daab u sameeyay ama sugay dhulkii ay lahaayeen garoomada Borama, Berbera iyo Burco, iyada oo garoonka Burco laga raray dadkii deganaa dhulka madaarka tan iyo 1991.

 

Waxa kale oo xusid mudan in dhismihii hore ee Wasaarada Duulista Hawadu ahaa mid iibkiisii loo maray sifo sharciya isla markaana loo sameeyay tartan (competition bid)ay ku tartameen dadkii daneenaya isla markaana ay ku qanceen dhamaan dadkii tartanka lagaga guulaystay arintaas oo ah mid uu ku amaaanan yahay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Maxamuud Xaashi waxa uu rool wayn ka qaatay inay dhalinyaro badan talada hay`addaha dawlada ka qayb qaataan, kuwaas oo xilkasnimo iyo karti la yimid isla markaana meesha ka saaray inaanay dhalinyaradu ka qayb qaadan Karin maamulka sare iyada oo maahmaah laga dhigan jiray (qofka dhalinyarada ahi inta uu geed ka boodo ayuu talona ka boodaa).

 

Maxamuud Xaashi waxa  kale oo uu rool wayn ku lahaa xalintii khilaafka Xisbiga Kulmiye ee ku saabsanayd musharaxnimada Gudoomiyenimada iyo Musharaxnida Xisbigaasi ee u dhaxaysay  Xukuumada inteeda badan  iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo aragtidiisu ahayd inaan Gudoomiyaha lagula tartamin Xisbiga sidii horeba aan loola tartamin Siilaanyo wakhtigii uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga halka dad kale ay qabeen ama u ololaynayeen in xoog la isku muquuniyo.

 

Iyada oo aanan halkan ku soo koobi karin waxqabadka  iyo himilada siyaasadeed ee Wasiirka Madaxtooyada iyo roolkiisii siyaasiga ahaa ee tan iyo wakhtigii uu gaashaan qaaday ayaa waxaan ku soo gebo gebaynayaa in Wasiirku mudan yahay in loo ogaado xaaladahaasi aan soo xusay , arimo badan oo qalinku ii saamixi waayay iyo kuwo badan oo aanan xog ka hayn oo  jiraba, waxa kale oo aanu ku dhiiri gelinaynaa inuu ka dhabeeyo hankiisa siyaasadeed goorteeda iyo goobteedaba, waxaan Illaahay ugu baryayaa inuu u fududeeyo Himiladiisa siyaasadeed oo aan ku kalsoonahay inay midho dhali doonto hadii Alle Yidhaa, waxaan leeyahay waxaad tahay Haldoor  ku sifoobay karti, xilkasnimo, Himilo siyaasadeed oo loo meel dayay iyo hiilka dhalinyarada.

 

 

Cabdirashiid Caydiid Yaasiin

Tel: 00 252 63 442 2323

       00 252 65 915 2323

Email: wagar2010@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here