Xukuumada Somaliland oo sheegtay in ay sharcidaro Tahay Dekeda Ceel-gerdi

0
897

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumada Somaliland ayaa sharci daro ku Tilmaamatay Dhismaha Dekeda Ceel-gardi oo xiisada ka abuurtay Gobolka Saaxil, waxanay sheegen in Ciidanka Boolisku la wareegen goobta laga dhisayo dekeda.

 

Wasiir ku-xigeenka Amaaniga ee Wasaarada arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ooo shir jaraa’id ku qabtya Hargeysa ayaa sheegay in ay  gacanta ku soo  dhigeen dad maleeshiyaad ah oo masuuliyiinta Berbera rasaaseeyay.  “dadkeenu caadifada meel kasta way iskala galaan, meeshan rasaasi way ka dhacday ragii hawshaas fuliyayna waanu ku daba jirnaa,qayb ka mid ahna waanu haynaa, kooxo kale oo iyaguna is uruursaday oo meelahan kale ee lug-haya ayaanu ka samay sanaynaa way jiraan, balse dhulka dawlada ayaa maamusha, Dekedahana dawlada ayaa maamusha” Ayuu yidhi

 

Wasiir ku-xigeenka Amaanka ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa cadeeyay in ay xukuumadu ka soo horjeedo in dekedo aan sharci ahayn laga dhiso deegaanka Ceel-gardi waxaana uu yidhi. “Xukuumadu dekeda iyada ayaa dhista iyada ayaa banaysa, iyada ayaa xukuumadu ciidan gaysa halka ay u aragto in laga dhisayo dekeda ee u baahan in wax laga soo dajiyo, sida maydh oo kale, Berbera iyo saylac dekedaha aynu naqanaa waa kuwaas, badaas dheer ee hadii qof waliba yidhaaho dekeda ayaa ka dhisayaa dhibteeda ayay leedahay, dalkuna Fawdo ayuu galayaa, waxaana ay noqonaysaa wax reero kala leeyihiin”Ayuu yidhi.

 

Intaas waxa uu ku daray isaga oo tilmaamay inaanay Xukuumadu Kula Socon Bulshada Deegaanka Ceel gardi ama Beel qudha ahi dhisato dekeda u gaara ah waxaana uu yidhi.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi. ”Wakhtigan in Dekeda kale ka dhiso wax lioo baahan yahay maaha si khaldana waa loogu dhaqaaqay, si khaldana waa looga daba tagay, lakiin waa in ay ogadaan in ay dalkan dawladi ka taliso, wixii ay diido diiday wixii ay fulinaysana fuliso,cid waliba inta ay Qori iska qaadato waxa ay doonto mayeeli karto” “Waar Hadii Baloodh ladhisanayo Ruqsad ayaa loo doontaa,maha in aynu dalkeena fawdo galin,waxaana leeyahay shacabka Somaliland Nabadiina ilaashada,wixii aad xaq u leedihiin iyo wixii kale kala garta ninka leh dekeda meel laga dhisanayo Ayaan joojinayaa waxaasi maaha mid adiga kuu taala”Ayuu yidhi.

 

Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor oo isaguna ka hadlay todobaadkan ayaa waxa uu isaguna ku tilmaamay dekada Ceel-gerdi in ay tahay sharci daro.

 

Dhanka kale Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa maalmihii u dambeeyay si xoogan loo geeyay Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Ciidamada Qaranka ee Difaaca dalka iyo Ciidamada Booliska noocyadooda kala duwan kadib markii dhaqdhaqaaqyo xafiiltan beeleed ahi kasoo kordhay Deegaanka Ceel-garde oo Xiisadi ka taagan tahay.

 

Guud ahaanba Dadweynaha kunool Degmada Berbera ee Magaala Xeebeeda Marsada ugu Weyn Somaliland ayaa, siweyn u hadalhayay maalmihii u dambeeyay dhaqhaqaaqa kasoo kordhey Deegaanka Ceel-garde ciidamada tirada badan ee Xukuumada soo dhoobtey Magaalada Berbera.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here