Wasiirka Maaliyadda oo Hor Tegay Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka Wakiiladda

0
545

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shiree, ayaa maanta hor tegay guddi hoosaadka Ilaalinta iyo Daba galka Hantida Qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland.

Kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda, ku-xigeenka xisaabiyaha Guud iyo agaasime Waaxeeyada Wasaarada Maaliyadda.

Kuwaas oo kala ah Waaxda Miisaaniyadda, Waaxda Hanti dhawrka Gudaha, Waaxda Kastamka, Maamulka lacagta iyo Waaxda IT-ga.

Kulankani waxay u jeedadiisu ahayd dhaqan-gelinta qodobadii ka soo baxay warbixintii xisaab xidhkii sanadkii 2020-kii iyo soo jeedimihii Hanti dhawrka Guud ee Qaranka iyo soo jeedimihii Guddiyadda.

Sida uu sheegay guddoomiyaha guddida hoosaadka Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka Mustafe Axmed Cabdilahi, oo ay wehelinayeen lix xildhibaan oo ka mid ah guddigaasi.

Kulankaasi, ayaa waxaa xog faah-faahsan ka bixiyay wasiirka Maaliyadda iyo agaasimaha wasaaradda Maaliyadda.

Iyaddoo ay xildhibaanadu su’aallo fara badan ka waydiiyeen arrimo dhawr ahaa oo u baahan inay wasaaradda Maaliyadda caddayso.

Geesta kale kulankani oo qaatay ku dhawaad 3 saacadood oo xidhiidh ayaa wixii warbixin ah waxay guddi hoosaadku la wadaagi doonaan gole weynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here