Hooyo La-nool Xannuunka HIV-AIDS-ka oo Bulshada Ka Codsatay Inaan La Takoorin

0
1850

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maanta oo kale oo ay ku beegan tahay 1-da bisha December oo dunida laga xuso maalinta cudurka HIV-AIDS-ka, ayaa waxaa magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland lagu qabtay munaasibad lagu xusayo maalintan.

Munaasibadan xuska maalinta cudurka AIDS-ka, ayaa waxaa laga hadlay maanta dhibaatooyinka uu ku hayo cudurkani dadka la nool, maadaama aanan laga bogsanin.

Hasse yeeshee, Bukaanada qaba virus-ka dhaliya cudurka AIDS-ka, ayaa waxaa ay badankoodu takoor kala kulmaan bulshada.

Tani, ayaa waxey horseedaa in qaarkood ay qarsadaan xannuunkan, iyagoo ka baqaya in lagu ogaado, dabadeedna lagu caayo, hasse yeeshee Somaliland, ayaa kamid ah meelaha uu ka jiro cudurkan, inkastoo uu ku yar yahay.

Hadaba, Mid ka mid ah Hooyooyinka magaalada Hargeysa oo la nool Cudurka HIV-AIDS-ka oo hadal ka jeedisay munaasibad uu Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Somaliland ku qabtay Hargeysa, islamarkaana codsatay in aan Magaceeda la sheegin, ayaa waxaa ay si qoto dheer uga warantay qaabkii uu ugu dhacay xanuunkan halista badan leh.

Hooyadan la nool cudurkan HIV-AIDS-ka oo sidoo kale ka warantay muddadii ay la noolayd cudurka, ayaa waxaa sheegtay in cudurkan ay noolayd muddo 17 sanno ah.

Waxaanay sidoo kale sheegtay in cudurkan HIV-AIDS-ka ee ay la nooshahay aanay ka qaadin falal la xidhiidha dhanka Galmada, islamarkaana uu qadar alle ugu dhacay, iyadoona bulshada ka codsatay inaan la takoorin.

Hoos ka daawo muuqaalka Hooyadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here