Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socday Baanka Aduunka (The World Bank) + SAWIRRO

0
836

Hargeysa, (HargeisaPress) —Weftigaasi wuxuu ka koobnaa khubaro iyo aqoonyahanno ka tirsan World Bank oo u kuur galayey sidii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga looga taageeri lahaa xagga Aqoonta iyo Adeegsiga ICT-ga iyo sidii loo hirgelin lahaa loona  taabo gelin lahaa xarunta Diwaan-gelinta Adeega Ganacsiga ee Wasarada (One Stop Shop Business Registration).

wasir

Mashruucani wuxuu  wax weyn  ka tari doonaa horumarinta  hawlaha ay Wasaaradu Qaranka uga masuulka tahay, gaar ahaan xagga fududaynta Adeegyada Ganacsiga iyo Xeerarka Maalgashiga kuwaasoo lagama maarmaan u ah Maalgashiga Caalamiga ah ee uu dalkeenu u baahan yahay.

wasiirka gaga

Wasiirka Wasarada Ganacsiga iyo Maalgashiga wuxuu warbixin faah-faahsan weftiga World Bank-ka ka siiyey goobta isteraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo taasoo ah marrinka ugu muhiimsan ee uu maro Ganacsiga Caalamku. Wasiirku waxa kale oo uu ka weftiga ka socday Baanka Aduunka uga warramay fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo  khayraadka dabiiciga ee dalka ceegaaga ee u baahan in la Maal-gashado. Sidoo kale Wasiirku wuxuu ka warramay heerarka ay JSL soo martay iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay JSL haatan diyaarka ugu tahay uguna  baahan tahay xidhiidhiidh ganacsi iyo mid Maalgashiba.

wasirkakak

Kulanka uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu la yeeshay Baanka Aduunka waxa ku wehelinayey Agaasimaha Guud, Agaasimaha  waaxda Ganacsiga iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasarada.

 

Kulanka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday is-afgarad ay labada dhinac isla qaateen in Mashruucan loo bilaabo sida ugu dhaqsaha badan leh ee ugu macquulsan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here