Wasiirka Duulista Somaliland Iyo Taliyaha Ciidanka Socdaalka Oo Wadajir U Kormeeray Madaarka Berbera Oo Duulimaadyo Laga Bilaabayo + SAWIRRO

0
938

Berbera, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo socdaal ku jooga xarunta Gobolka Saaxil ee magaalada Berbera oo uu weheliyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ayaa kulan la qaatay shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala Madaarka Caalamiga ah ee Berbera, waxaanay shaqaaluhu warbixin ka siiyeen masuuliyiinta sida ay u socdaan hawlaha madaarku, iyaga oo sheegay inay isku diyaar garaynayaan sidii ay dhawaan diyaarado u iman lahaayeen madaarka.

 

Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada socdaalkooda ay ku tageen magaalada Berbera, isaga oo sheegay in madaarku wakthigan isu diyaarinayo sidii ay diyaarado kala duwan u iman lahaayeen, waxaanu wasiirku yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Sababta aan halkan idiinku imid waxa weeyaan inaan kormeero maadaama oo shaqadan intii madaxweynuhu ii magacaabay kolay aan ka Ceerigaabo tagay oo ka Hargeysa wasaaradayada ayey jaar yihiin, markaa kuwaasi waxa iigu xigay madaarkan Berbera oo runtii madaar qaaliya ah”.

ber

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Madaarka sidaasi u quruxda badan marka aynu eegno waajibka ina saarani waxa weeyaan inaad la timaadaan, hal-abuurnimo iyo curin, fikir iyo adkaysi oo shaqadu ku gaadho himiladii loogu talo galay mid soo jiita shirkadaha kale anagu waanu soo Ohobaynaynaa, laakiin cida ku haynaysaa waa idinka, anagu waxaanu isku dayaynaa inay halkan yimaadaan, ha noqoto tan imika 1-da bisha idiin bilaabaysa duulimaadyada, ha noqoto qaar kale, madaarada Somaliland oo dhan inay shaqeeyaan baan isku dayeynaa, kuwa kalena waan booqanayaa Boorame ugu horeeyo, Burco ay ku sii xigto sidaasi ayaan u wadaa Insha Allah hadba wakhtiga ii saamaxda, waayo duruufta masuuliyadda qaran ee Wasaaraddu waa ay balaadhan tahay

ber 2

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa dardaaran u jeediyey shaqaalaha madaarka caalamiga ah ee Berbera, waxaanu yidhi “Masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda duulista waxaan ku hambalyeynayaa sida ay uga hawl galeen noolaynta madaarkan Berbera iyo waliba dekedda Berbera sidii ay uga hawl galeen inay noqoto Berberi meel tamarisa oo badda iyo hawadaba tamarisa oo wax weyn qaranka ku soo kordhisa”.

Maamulaha madaarka caalamiga ah ee Berbera Cabdiqani Cali Ismaaciil
Maamulaha madaarka caalamiga ah ee Berbera Cabdiqani Cali Ismaaciil

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maamulaha madaarka caalamiga ah ee Berbera Cabdiqani Cali Ismaaciil ayaa ka xog waramay hawlaha madaarka ee wakhtigan, waxaanu hadaladiisii ka mid ahaa “Wasiir, madaarka Caalamiga ah ee Berbera waa madaar weyn, waxaana ku yaala Dhabaha (Runway) ga sideedaad ee Afrika ugu dheer, marka aynu geeska Afrika dib u eegnana waa ka labaad oo ka Addis-ababa uunbaa ka dheer, waana madaar qaadi kara diyaaradaha waaweyn, waxaanu leeyahay laba Taxway iyo shan Parking oo nooc kasta oo duulimaad ah fadhiisan karo, waana madaar qiimo weyn ku leh Geeska Afrika, xaga shaqaalaha madaarka ka hawl galaa waxa weeyaan 76 shaqaale oo sideedii qaybood ee madaarka ka hawl galayey isugu jira”.

ber 3

Madaxa laanta Socdaalka ee Madaarka Berbera Gaashanle Xasan oo isna warbixin ka jeediyey madasha ayaa waxa uu yidhi “Haddii aan ka hadlo ciidanka laanta socdaalka aad iyo aad ayey hawshooda uga qabsadeen madaarku intii uu xidhnaa wixii yimaada waa ay ka hawl galayeen in kasta oo qayb cusub la sameeyey oo aanu ka hawl galno oo ciidankii ka hawl gali lahaydna aanu u diyaarsanay”.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here