Shirka Golaha Dhexe Ee Waddani Oo Maalintiisi Labaad Galay , Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbigaasi C/Qaadir Jirde Oo Gar-Daadinaya Iyo Nuxurka Uu Daaran Yahay + (SAWIRRO)

0
869

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shir weynihii koobaad ee Xisbiga WADDANI oo maalintii shalay ahayd si rasmi ah looga furay magaalada Hareysa ayaa saaka galay maalintiisii labaad ,waxaanu hadda shir-kaasi dib uga furmay huteelka maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Shirka ayaa ka duwan kii shalay waxaan maanta lagu soo badhigay qorshe siyaasadeed Xisbiga WADDANI uu ku geli-doono doorashada fooda inagu soo haysa,iyadoo ay xusid mudantahay in dhammaba dadka ka soo qayb-galay shirkaasi loo qaybiyey buuga liimiga ah ee ku qoranyahay barmaaji siyaasadeedka Xisbiga mucaaradeedka ee WADDANI.

SHIR 0

Xisbiga WADDANI ayaa shirkan maanta ku casuumay xubno laga soo xulay bulsha weynta reer somaliland,kuwaas oo iskugu jira aqoonyahano wax-garad iyo hadlddorka kale ee lagu tuhmayey in ay wax-ku kordhin karaan barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI.

 

Xoghayaha Arimaha debad Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka haddlay nuruxka kooban ee uu xanbaarsan yahay barmaamji siyaasadeedka Xisbiga WADDANI,waxaanu ugu baaqay aqoonyahankii ka soo qayb-galay in ay akhriyaan oo ay wixii ay ku soo kordhinayaan ay ku soo kordhiyaan,isla markaana ay ka saxaan wixii ka qaldan.

Shirwaynihii  Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI  6

Dhanka kalena waxa shirkan gar-daadinayey oo guddoomiyayey ,Guddoomiyaha dhawaan loo caleemo saaray xisbiga WADDANI Md. C/qaadir Jirde.

 

Shirwaynahan ayaa maalinta sabtida soo xidhmi doona iyada oo maalintaasina ay noqon doonto maalintii codaynta isla markaana la kala saarayo musharaxiinta u tartamaya jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga WADDANI oo kala ah Axmed Muumin Seed iyo Dr Maxamed Cali Cabdi.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here