Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo la Kulmay Xubno ka socday Hay’ada IFC ee Baanka Aduunka + SAWIRRO

0
774

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wafti ka socday Ururka IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka oo u yimi sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Dalka iyo Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Ganacsiyada gaarka ah, waxaa kulankan si qoto dheer loogu lafo-guray sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga gaarka ah iyo koboca  dhaqaalaha.

DSC_0001

Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku si balaadhan uga hadlay in Xukuumad ahaan ay wax badan ka qabteen sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada, doorweyna ay ka geystaan kobocooda dhaqaale.  Xubnaha ka socday baanka Aduunka oo ka koobnaa laba xubnood oo kala ah, Marwo Kaltuun Maxamed Xasan iyo Mr Patrick Banya ayaa iyaguna tilmaamay in ay si weyn ula shaqayn doonaan Xukuumada iyo ganacsatada.

DSC_0009

Gabogabadii waxaa halkaas Heshiis wada-shaqayneed oo gaar ah ku saxeexay Wasaarada Gancsiga iyo  Rugta Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.  Heshiiskaas oo aas-aas u noqon doona  Wada-shaqayn balaadhan oo dhex marta Xukuumada, Ganacsatada iyo Baanka Aduunka.

DSC_0002

Waxaa  kulankan  iyaguna goobjoog ka ahaa oo ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudane. Cumar Shucayb Maxamed, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada, Mudane Khadar xasan cali Gaas, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed , Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi. Waxaanu kulankaasi ku dhamaaday is fahan iyo wada shaqayn loo balamay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here