Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Oo Xilkii La Wareegay + Khudbadihii Laga Jeediyay Munaasibadaasi

0
807

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caaliga ah ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (xuseen-dayr), ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Dr. Muuse Qaasim Cumar.

SAM_2034

Munaasibadda xil-wareejinta oo lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaaladda Hargaysa ayaa wax aka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray wasiirro, agaasimeyaal, xildhibaano, shaqaalaha iyo agaasime-waaxeedyadda wasaaradda ganacsiga iyo marti sharaf kale.

SAM_2037

Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsomay mudadii uu joogay.

 

Halkan hoose ka daawo khudbadii wasiirkii hore Dr. Muuse Qaasim:

 

 

Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caaliga ah ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (xuseen-dayr).

 

Halkan ka daawo hadalka wasiir Dayr:

 

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here