Madaxweyne Hal aan Tabayey Hanablyo Gudiga Ictiraaf Raadinta Qaranka Aad Magacowday

0
888
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo

HargeisaPress —Ruug cadaa siyaasadeed oo waayo arag  Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha Qaranka  allaylahee waa hal aan tabaayey mar hadii uu maanta magacaabay gudi Icttiraaf raafinta Somaliland oo isugu jira Aqoonyahan Haldoorka iyo dad la majiirto oo qaranka qiimo ugu fadhiya,  Mudane Madaxweyne waxaan ku leeyahay hanbalyo shacabku guulahaas iyo guulo ka waa weynba waa kaa rajaynayeen  dabcan waxaan u arkaa inaad gudatay waajib qaran oo xilkiisu ku saarnaa waan kugu mahadinayaa garashada ku siisay inaad gudigaasi magacowdo waliba aad usoo xusho hab iyo hanaan ay ku jirto haybada hogaamineed.

 

Qaranka Somaliland maanta wuxuu shacabka Geeska Africa dheeryahay  waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo halgamaa tiiwaanka taariikhdu baal dahaba ku xaradahy runtiina aan odhan karno waa tusaale fiican oo jid cusub u jeexay siyaasiyiinta badan oo qaranka  hogaamin doona hadii alle ka dhigo , waana hubaal  in umadu hogaaminta Madaxwyene siilaanyo ay mahadisay oo maalinkasta ay ku faraxdo talaabada uu qaado iyadoo qarankuna talaabadaasi uu kor ugu socdo islamarkaana ay wax ugu kordhaan  taasi waxay muujinaysaa oo marag u tahay hogaaminta suuban ee Madaxweynaha.

 

Gudiga Ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland  waa xubo xul ah oo qaranka milgo badan ku leh  waa dad hadii ay shaqadaasi si daacad ah u gutaan oo shaqadaasi guda galaan kasoo bixi kara islamarkaana qadiyada Somaliland ka iibin kara fagaarayaasha caalamka , waxaa ku jira  shikhsiyaad hal door ah oo fagaarayaasha siyaasada caalamka si weyn looga yaqaan islamarkaana garaaci kara oo furi kara albaabo badan oo Somaliland ka xidhnaa,  waxay samayn doonaan awood iskaashi iyo afkaar midaysan taasina waxay saamixi doontaa inay keenaan  aqoonsi buuxa .

 

Talaabadan uu qaaday Madaxweynaha JSL  waxay taabatay quluubta Shucuubta Somaliland kuwaas oo u riyaaqaayey inay maruun arkaan qarankan oo ictiraaf helay balse Madaxweyne Siilaanyo wuxuu furay dariiq ay garashadiisa hogaamineed siisay inuu haldoorkii qaranka iyo dadkii dunida macaacilka lalahaa uu u garto inay qaranka raadiyaan ictiraafkiisa iyagoo isku duuban oo taasi waa mid aad loogu  baahnaa qarankuna uu in badan uu naawilaayey .

 

 

 

Somaliland Guul iyo Gobanimo Waarta.

Ali Hassan Hussein

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here