Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga oo Aaminsanaa Mawqif ka Dhan ah Somaliland oo Lagu soo Dhaweeyey Hargeysa

0
1582

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ciise Axmed Yuusuf (Ciise Xawar), ayaa lagu soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee caasimadda Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay dalka dibadiisa oo uu degan yahay.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, xildhibaanno ka mid ah Golaha Wakiillada iyo siyaasiyiin kala duwan, ayaa wasiirka cusub ku qaabilay madaarka Hargeysa.

Muuqaal lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee Internet-ka maalmihii u dambeeyey, ayaa lagu arkay hadal ka dhan ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu jeediyey Mr. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Gaashaandigga, iyadoo sidoo kale qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen in aanay ansixin doonin masuulkaas hore uga soo horjeeday madaxbannaanida Somaliland.

Hasa yeeshee, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka mid ah masuuliyiinta ka qaybgalay soo dhawaynta wasiirka isaga xilka kala wareegaya, ayaa si dadban uga jawaabay dhaliilaha loo jeediyey wasiirka cusub, isagoo xusay in aan cidna lagu waxyeelayn karin dhaleecayn ama ceebayn lagu abuurayo xasarad

“Soo dhaweyntaasi waxay daaran tahay in dadku warqado la iska qoro, warqado ceebayn iyo xasarad qof doonayaa sameeyo cid looga baqi lahaa halkan ma jirto, loo maqli maayo ee ninku waxa uu la yimaaddo iyo ragganimadiisa, intaas ayuun buu adduunka taariikh kaga tageyaa. Cid allaala iyo cid markaa tigidhka goysa oo la yidhaahdo; ‘Kaasina waa dhacay, kaasina waa fawsay,’ ma jiraan. Cidda xaqaasi sameynaysaanna waa ilaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi.

Beentii la sheegay ee faraha badnayd lagu waa’, mar haddii qareenkii ahaa ee mas’uuliyadda siday aannu xataa u jawaabin, iyada lafteedu waa xaqiraad, waanna laga fiican yahay yooyootanka ee waxa fiican nin kasta in loo daayo meesha uu ku fiican yahay.”

Waxa kaloo masuuliyiinta Wasiirka cusub soo dhaweeyey Xildhibaan Maxamed Cismaan Maxamed (Bulqaas) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda degaannada bariga Sanaag, ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada, kuwaasoo ku dooday in aanay ansixin doonin Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga, maadaama oo la hayo hadal iyo muuqaal uu kaga soo horjeeday qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

“Waxaannu leennahay ninkani waa nin mujaahid ah oo u dhashay degaannada Beriga Sanaag, waa ragga loo baahan yahay inay meeshan wax ka noqdaan. Waxannu arkaynay qaar website-yada iyo meelahaas wax ku soo qor-qorayey, waxaasina wax shaqeynaya ma’aha ha dhegaysan, annaga ayaa Baarlamaanka joogna, ansixinta annaga xaggayaga weeye ee laa-takhaaf – ha baqin,” ayuu yidhi Md. Bulqaas.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo isna ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag, ayaa si dadban u iftiimiyey inay jirto waqti uu Wasiirka cusub ee Gaashaandhiggu ka soo horjeeday qarannimada Somaliland, balse uu hadda fikirkaasi ka baxay, waxaannu yidhi; “Wasiirka aad ayaannu u soo dhaweynaynaa, website-yada wararka maalmahan isa soo tarayeyna, kolay qofku fikrad uu aaminsan yahay way jirtaa, haddii uu fikraddaas aaminsan yahayna, waxaaba ka muhiimsan maanta annaga oo isla wada jaan-qaadayna, oo Sanaag-bari ka wada shaqeyn doonna Insha Allaahu, oo waxyaabihii loo baahan yahay isla wada jaan-qaadi karna.”

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ka mid ahaa madaxda ka qaybgalay soo dhawaynta Wasiirka cusub, ayaa sheegay inay si fiican ula shaqayn doonaan masuulka madaxda looga dhigay Wasaaradda Gaashaandhigga.

“Wasiirkayagii Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Ciise Axmed Yuusuf, waxa aannu aad ugu soo dhaweyn doonaa in aannu la shaqeyn doono inta uu Wasiirka noo yahay haddii uu Ilaahay yidhaahdo, si daacadnimo ah iyo si walaalnimo ahba ula shaqeyn doono, isagana inuu Ilaahay ku hannuuniyo, madaxdii si fiican noo hagta, Ilaahay ka dhigo, annaga uu Ilaahay hanaga dhigo kuwii si daacad ah ula shaqeeya ee madaxdooda ka dembeeya, Illaahay hanaga dhigo. Wasiir ku soo dhawoow, si niyad-sammi ah ayaannu kuugu soo dhaweynaynaa,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Md. Ciise Axmed Yuusuf (Ciise Xawar), ayaa u mahadnaqay madaxda iyo bulshada ku soo dhawaysay madaarka caasimadda Hargeysa.

“Aad ayaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, xilkaa culus, wuu ii gartayna. Ta labaad, waxaan salaan khaas ah u dirayaa ciidammada qaranka Somaliland meel kasta oo ay kaga sugan yihiin waddanka,” ayuu yidhi Wasiirka cusub.

Wasiir Ciise Xawar oo la weydiiyey su’aal ahayd sida uu u arko in xilka wasiirnimo ee loo magacaabay maadaama oo uu hore uga soo horjeeday qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

“Somaliland waxaan u malaynayaa 26kii June1960-kii ayuu qarankani dhashay, intii ka horreysay waxooggaa siyaasad-xummo badan oo aannu la kacaa-kufaynay oo marba maalin meel taagnayd ayaa jirtay, siyaasaddaasna ninba maalin meel ayuu kaga soo darsamayey, maanta halka aan joogaa Hargeysa ayaan taagannahay,” ayuu yidhi Wasiirka cusub hadalkiisa ku soo koobay, isagoo aan halkaas ka caddayn inuu ka tannaasulay mawqifkiisii hore ee uu kula dagaalamayey qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

 info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here