Guddida Qabanqaabada Shir-weynaha Lixaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo la Magacaabay

0
1126
Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirweynaha lixaad ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa la filayaa inuu caasimadda Hargeysa ka qabsoomo 30 December 2017 oo ku beegan maalinta Sabtida, haddii Ilaahay yidhaah.

Sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) maanta, waxa uu magacaabay guddi qabanqaabo oo ka kooban lix xubnood, kuwaasoo ka shaqayn doona hawlaha diyaarinta shirka lixaad ee Ururka SOLJA.

Waxaannu qoraalkaas oo faahfaahsan u dhignaa sidan;

“Ujeeddo: Magacaabis xubnaha guddida qaban qaabadda shirweynaha lixaad ee Ururka SOLJA

Ku: Hoggaanka sare ee SOLJA

Aniga oo tix-raacaya Dastuurka ururka SOLJA, qoddobkiisa 13aad oo waajibanaya soo xulista xubnaha qabanqaabada shirweynaha lixaad ee ururka, isla markaana innagu wajibanaya qabashada shirweynaha caadiga ah oo saddexdii sannaba hal mar ururku qabsado.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Liiska xubnaha guddida qabanqaabada oo kala ah:-

  1. Maxamed Aw Aadan
  2. Barkhad Maxamuud Kaariye
  3. Sahra Cabdiwahaab
  4. Mawliid Maxamed Shaqale
  5. Cabdifataax Mursal
  6. Saynab Maxamed Cabdi
  7. Maxamed Maxamuud Ilkacase

Sidaasi daraadeed; waxa xubnaha hoggaanka sare ee Ururka SOLJA ka codsanayaa inay ogolaadaan inay toddobadaas xubnood noqdaan guddida qabanqaabada shirweynaha lixaad ee Ururka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

 info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here