Wasiirka Biyaha Oo Kormeeray Goobaha Biyo-balaadhinta Caasimadda Hargaysa

0
463

Hargaysa (HP): Waxaa mudooyinkan danbe si weyn looga dareemayay degmooyin ka tirsan caasimadda Hargaysa hab-sami u socodka hawlaha biyo-balaadhinta caasimadda Hargaysa oo imika la soo gaadhsiiyay gudaha magaaladda.

Iyadoo ay hadda socoto gelinta Qasabadaha ee goobaha ay ku yaalaan Berkadaha kaydka biyaha loogu tallo galay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa maanta soo kormeeray goobaha ay ka socdaan mashruuca biyo-balaadhinta caasimadda Hargaysa.

Waxaana wasiirka wehelinayay badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed iyo maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa Maxamed Daarood.

Daawo: Goobihii Wasiirku Soo Kormeeray:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here