Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Oo Socdaal Ku Tegay Laascaanood

0
490

Laascaanood (Hargeisa Press): Agaasimaha madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille, ayaa maanta socdaal ku tegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaana agaasimaha soo dhaweeyay maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laasaanood.

Agaasimaha madaxtooyadda Somaliland oo ay wehelinayeen maayarka Laascaanood C/casiis Xuuseen Taarwale, iyo badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa soo kormeeray goobo dhawr ah oo ku yaalla magaaladda Laascaanood.

“Anagoo soo booqanay Garoonka diyaaradaha Laascaanood iyo Dhul wayn oo loogu talo galay in dhawaan laga dhiso Xarun madaxtooyo oo Gobolku yeelan doono” ayuu yidhi badhasaabka Sool oo ka warbixinayay socdaalka agaasimaha madaxtooyadda.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kale oo booqasho ku tagnay Goob kale oo loogu talo galay in dhawaan laga dhiso Laybareeri wayn Goobta oo hore u ahaan jirtay Guriga Hanuuninta, Laybareerigaa oo ay yeelan doonto Degmada Laascaanood”.

Safarka Agaasimaha Guud oo ahaa mid indha indhayn iyo Kormeer isigu jira, ayaa waxa uu Agaasime Bille uga mahad celiyay Maamulka Gobolka, kan degmada iyo Bulshada reer Sool sida Baaxada leh ee ay uga qayb qaateen Horumarka ka socda Gobolka

Isagoo tilmaamay in Laascaanood Noqotay meel lagu soo hirto.

Geesta kale guddoomiyaha Sool waxa uu sharaxaad ka bixiyay goobta la qorsheeyay in laga dhiso madaxtooyadda gobolka.

Waxaanu yidhi “Goobtan laga dhisayo madaxtooyada manta dhulkeeda aanu tagnayna ay noqon doonto Mida uga casrisan ee laga dhiso dhamaan Gobolada somaliland.


Ugu danbayn, waxaanu dedaal ugu jirnaa ka midho dhalinta Xasiloonida Gobolka iyo Horumarinta Bulsho waynta reer Sool”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here