Wasiirka Biyaha oo Ka Warbixiyay Qorshaha 2021-ka

0
1047

Hargeisa (Hareisa Press)- Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diire ayaa sheegay in wasaaradiisu ay sanadkan dalka ka hirgelisay in ka badan 43 ceel biyood oo kuwa dhaadheer ah.

Iyo sidoo kale 31 ceel oo ah kuwa gaagaaban, Ceelashaasi oo ay ka sameeyeen goboladda dhinaca xeebta.

Waxa kaloo uu tilmaamay wasiirku in ay dalka ka hirgeliyeen Dhaam biyoodyo kala duwan oo isugu jira kuwa waaweyn oo biyaha roobka la xidhayo iyo kuwo dhulka hoos loo qodayo.

Maxamed Muuse Diiriye, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii wasaaradda u qabsoomay sanadkan dhamaanaya ee 2020-ka.

Sidoo kale mashaariicaha dhinaca biyaha ee u qorshaysan in ay sanadka foodda inagu soo haya ka fuliyaan dalka.

Mashaariicda horumarineeed ee ay sanadkan hirgeliyeen ayuu sheegay inuu ka mid yahay Shaybaadhka biyaha.

Wasiirku waxa uu sheegay in hawlaha shaqo ee wasaaradda biyuhu ay dalkoo dhan ku baahsan yihiin, isla markaana meello badan oo dalka ka mida ay ka jiraan baahiadda biyaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here