Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Soo Afjaray Dacwad Dhul oo Muddo Dheer Maxkamadda Ku Jirtay

0
1123

Hargeisa (Hargeisa Press) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Somaliland ayaa sulux ku dhameeyay dacwad dhul ah oo muddo dheer maxkamadda ku jirtay.

Dhulka ay dacwadu ka socotay ayaa isla shalay xayiraadii Maxkamadda Sare ee dalku ka qaaday, dhulkaasi oo ku yaala ag-agaarka garoonka Shulaac ayaa xayirnaa muddo labaatan sanno ah.

Dhinacyada dhulka isku hayay ayaa kala ah Aar Yuusuf Cilmi oo uu wakiil u ahaa Maxamed Yuusuf Cilmi iyo ilmo Axmed Cabdilaahi oo uu wakiil u ahaa Cabdinaasir Axmed Cabdilaahi, waxaanay shalay dhinacyadu heshiis rasmi ah ka gaadheen dacwadoodii, kadib markii maxkamadda Sare u saartay guddi ka kooban 7 xubnood kuwaasi oo soo dhiraan-dhiriyey isku soo dhawaanshaha labada dhinac, waxaanay kala yihiin xubnihii guddidu

1.Sheekh Cali Xaaji Muuse (Cali Masaajid)

2.Cabdiraxmaan Nuur Cigaal

3.Xasan Aadan Cilmi

4.Saxardiid Muxumed Shuuriye

5.Cabdiraxmaan Jaamac Axmad

6.Cabdikariim Muxumed Ismaaciil

7.Ismaaciil Daahir Faarax

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa xusay in burburkii dalka ka dib, dhulku noqday shayga ugu dhibta badan ee is-qab-qabsigiisu badan yayay, waxaanu guddoomiyuhu ku sababeeyay in burburkaasi sababay in sharciyadii dhulkuna raacaan.

Geesta kale, waxa uu guddoomiyuhu tibaaxay in dhulku noqday bangiga la maal-gashado taasina ay keentay in dacwadihiisu bataan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in si dhibaatadaa looga baxo ay la yimaadeen qorshe ah dhex-dhexaadin (Sulux) si loo bad-baadiyo hantida iyo kharashka kaga baxaya mudadaa dheer ee dacwadu socoto, waxaanu guddoomiyuhu tagay goobti la isku haystay si bulshada kale loogu dhiiri-galiyo in ay suluxa iyo dhex-dhexaadinta u qaataan.

Ugu danbayn waxa uu guddoomiyuhu u mahad-naqay guddidii dhex-dhexaadinta gashay iyo dhinacyada is hayay ee isku tanaasulay.

Dhankooda waxa madasha ka hadlay dhinacyadii dacwadu ka dhaxaysay iyo guddidii hawshaasi gashay oo xusay in dhibaato wayn dacwadani ku haysay balse ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta wanaag ugu soo dhamaatay waxaanay u mahad celiyeen guddoomiyaha doorkii uu ka qaatay soo af-jarida dacwada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here