Ciidamadda Turkiga Oo Guluf Dagaal Ka Wadda Woqooyi Bari Suuriya

0
606

Ankara (Hargeisa Press.com): Ciidamadda dalka Turkiga ayaa cirka iyo dhulkaba ka weeraraya goboladda woqooyi bari ee dalka Suuriya oo ay fadhiisimo ku leeyihiin jabhadda Kurdiyiinta.

Waxaanay ciidamadda Turkigu sheegteen in ay meello cayiman bar-tilmaameedsanayaan. Maraykanka ayaa hore garabkoodda uga baxay jabhadda Kurdiyiinta oo uu taageeri jiray.

Boqolaal kun oo rayid ah ayaa la soo weriyay in ay dagaalkaas ka qaxayaan.  Kumanaan qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga qaxayaan gulufka colaadeed ee uu bilaabay Turkigu ee uu kaga talaabay xuduuda woqooyi bari ee dalka deriska la ah ee Suuriya ee  ka dhan ah kooxda Kurdiyiinta.

Dawladda Turkigu waxay sheegtay in ay dileen boqolaal mintidiin ah tan iyo markii shalay uu bilaabmay duulaankaasi ay ku qaadeen woqooyi bari Suuriya.

Waxaana jira duqaymo cirka iyo dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamadda Turkigu, waxaana la soo sheegayaa in ilaa 200 oo gantaal ay adeegsadeen tan iyo xalay.

Ciidamadda gaarka ah ee Turkiga ayaa la sheegay in ay ilaa xalay ka gudbayeen xadka u dhexeeya Suuriya.

Geesta kale kooxaha Kurdiyiinta ayaa dhankoodda iyagna sheegay in ay iska caabiyeen weeraradda ay ciidamadda Turkigu ku soo qaadeen, gaar ahaana magaaladda loo yaqaano Al-Abyaat.

Hase yeeshee magaallo ku taalla dhanka Turkiga oo xuduudka ku dhaw ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo dhaceen Hoobiyeyaal ka yimid dhanka kooxda Kurdiyiinta ah.

Madaxweynaha Turkiga Racip Deyib Ordogan, ayaa difaacay go’aanka uu dalkiisu ugu duulay xuduudda woqooyi bari ee dalka Suuriya.

Duulaankaasi oo ay canbaareeyeen dawladaha reer Yurub iyo wadamo kale. Waxaanu sheegay in haddii reer Yurub duulaanka Turkiga ay u arkaan in uu yahay mid uu ku qabsanayo qaybo ka mida dalka Suuriya.

Waxaan fasaxi doonaa buu yidhi malaayiin qof oo qoxoonti reer Suuriya ah oo haatan ku nool gudaha dalka Turkiga. Waxaanan ku faasixi doonaa baa uu yidhi wamadda Yurub.

Khudbad uu ka jeediyay magaaladda Ankara ayaa madaxweyne Ordogan waxa uu ku cadeeyay u jeedadda iyo mawqifka hawl-galkaasi, waxaanu sheegay in marnaba aanay doonaynin in qawmiyadda Kurdishka ay ka saaraan xuduudka.

Dhinaca kale dagaalkan ay ciidamadda Turkigu ku qaadeen jabhadda Kurdiyiinta ee woqooyi bari Suuriya ayaa imanaya xili ay dawladda Maraykanku bedeshay taageeradii ay hore u siin jirtay Kurdiyiinta.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadda Turkiga iyo kooxaha Kurdiyiintu ay dagaalami jireen muddo qarniyo ah.

Kurdiyiintu-na aanay taageerin ciidamadda Maraykanka xiligii lagu jiray dagaalkii 1aad ee aduunka.

Sidaas darteedna ay tahay arrin iyaga u taalla, haddii ay  iska dhiciyaan ciidamadda Turkiga iyo haddii kale-ba.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here