Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Oo Iftiimiyay Wakhtiga La Wareejinayo Dekedda Berbera, Sheegayna Inay Dib U Bilaami Doonaan Wada Hadalkii Somalia

0
859

ABIDJAN – Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo Wakaalada Reuters ugu waramay Magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast, ayaa sheegay in xukumadda Somaliland  dhamaadka sanadkan soo gabogabaynayso kala xulashada shirkaddaha wada hadalka lagula jiro ee lagu wareejinayo maamulka dekedda Berbera. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in dib loo bilaabo wada hadalkii Somaliland iyo Somalia ee hore u burburay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo xilligan socdaal ku jooga magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast oo uu kaga qayb-galay shir-sannadeedka Baanka Horumarinta Afrika, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland wakhtigan wada-hadallo ay ku kala xulanayso kula jirto Shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Ballore, shirkadda fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee Mediterranean Shipping Company (MSC) iyo shirkadda DP World oo saldhiggeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Saddexdaasi waa kuwa ugu waaweyn shirkadaha ku shaqada leh Maamulka Dekedaha ee xilligan danaynaya horumarinta dekedda Berbera. Dhammaantoodba wada-hadallo ayaanu la yeelannay,” ayuu yidhi wasiirka oo Arbacadii waraysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Reuters xilli uu ku sugnaa shirka Baanka Horumarinta Afrika oo ka socda dalka Ivory Coast.

ber ports

Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii watay, wuxuu yidhi, “Laakiin ilaa hadda go’aan maanu gaadhin, waxaanu ku hawlannahay sidii aanu u daraasadayn lahayn dhinac kasta.”

Waxa uu wasiirku ku sheegay waraysigan in ujeeddada qorshaha Horumarinta Dekedda Berbera tahay sidii ay u noqon lahayd marin-ganacsi badeecaduhu uga soo dagaan, ugana dhoofaan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Itoobiya oo dhaqaalihiisu koboc ballaadhan samaynayo sannadba sannadka ka Dambeeya.

SOMALILAND TO PICK BERBERA PORT PARTNER BY END OF YEAR

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here