Wasiiradii hore ee Maaliyada, Warshadaha Somaliland Oo Kulamo la Yeeshay Safaaradda Kenya ee Maraykanka iyo Safaaradaha kale

0
970

Nairobi, KENYA (HargeisaPress) —Wasiirkii hore Maaliyada Cabdicasiis samaale iyo Wasiirkii Hore ee Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad) oo  maalmihii u danbeeyay  ku sugnaa  magaaladda Nairobi ee Xarunta Kenya ayaa la sheegayaa inay shalay kulan saacado qaadtay la yeeshen Safaaradda Kenya ee Maraykanka.
Kulankan ay Wasiiradii hore ee Maaliyada iyo Warshaduhu la yeesheen danjire  Brain H. Phipps oo ah safiirka Maraykanka ee Kenya ayaan la sheegin, Weftigan ayaa ilo xogxogaal ah oo ku dhowaa kulamadaas, ayaa tibaaxay in kulamadaasi ahaayeen  kuwo  lagaga  hadlayay arimo ku  saabsan Somaliland Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanyihiin ayaa sheegayaa in weftiga Wasiirada Somaliland ay Maraykanka ka kala sheekaysteen xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, waxaana la sheegay inay si gaar ah uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka.
Waxa kale, oo ilahaasi tibaaxeen,in kulamadaasi lagu soo qaaday, in xukuumadda  hadda talada haysaa ay ka leexatay jidkii  loo doortay,Sidaas darteed loo  baahanyahay in lagu xakameeyo oo lagu  soo  dabaalo dhabbadii  dimuqraadiyadda iyo Cadaalada.
Laba todobad ka hore ayay danjire  Brain H. Phipps Hargeysa kula kulmeen Wasiirkii hore Maaliyada Cabdicasiis samaale iyo Wasiirkii Hore ee Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad)
kulankaasi soo jiitay indhaha dadka siyaasadda xiiseeya oo su’aalo badan iska weydiiyay kulankaas ayaan ila hadda laga warhaynin ujeedadiisa iyo meesha u ku danbayn doono.
Ugu Danbayntii Waftigan ayaa waxa kale oo ay kulmay Safaaradaha dalalka reer galbeedka ku lahaayeen magaalada Nairobi.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here