Hambalyooyin Ku Socda Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland + Akhriso.

0
2011

Ururo iyo dad badan ayaa soo dirayay hambalyooyin ku socda Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee JSL. halkan hoose ka akhri….tan iyo maanta hambalyooyin ku socda Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ayaa soo gaadhaya Shabakadda Wararka ee Hargeisapress.com

Hankii Dhallinyarada JSL oo laba kac-leeyey! Hambalyo Guddoomiye Adan Xaaji Cali Axmed, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee JSL.
Waxa aan halkan hambalyo, duco iyo taageero balaadhan uga dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee JSL, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed. Waxaan Alle uga baryayaa in uu ku asturo, kuna guuleeyo xilkaa culus ee loo igmaday. Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed waxa uu noqonayaa guddoomiyihii ugu da’da yaraa ee soo mara Guddoonka Maxkamada Sare ee JSL. Waxa uu sidoo kale noqonyaa qofkii dhallinyarada ahaa ee ugu xil iyo darajo sareeya dhammaan xilalka dhallinyarada JSL ka hayaan dalkooda hooyo. Dhallinyaro ahaan si buuxda ayaanu taageero iyo hiilba ula garab joogsanaynaa Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed.
Waa sharaf iyo xil weyn oo lagu aaminay dhallinyarada JSL. Waa tijaabo iyo carbis masuuliyadeed oo Madaxweynuhu u diray dhallinyarada JSL. Waxa aan kula dardaarmayaa Guddoomiyaha cusub in uu dadaal iyo xil-kasnimo badan ku maamulo xilkaa cusub.
Waxa aan halkan mahad-celin balaadhan uga dirayaa Madax-weynaha JSL oo gartay in uu xilkaas culus oo ah mid ka mid ah saddexda dhadhaar ee dalka, u dhiibo dhallinyaro. Waxa aan ku aqaan Guddoomiye Aadan Xaaji Cali, karti, hufnaan, hadal cadaan, dadaal iyo aqoon. In badan ayaan ka soo wada shaqaynayn bulshada rayidka ah. Waxaan leeyahay Mudane Madax-weyne waad asiibtay.
Labada Gole ee Parliament JSL waxa aan ka codsanayaa in ayna curdin dhadhin codka iyo hanka dhallinyarada JSL oo ay si aqlabiyad ah ku ansixiyaan magacaabista Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed. Madax-weynuhu gobonimo ayuu ka qaatay arintaasiye, idinku gunnimo ha dooranina ayaan leeyahay.
Mubarak Ismail

waxaan hambalyeynayaa Saaxiibkey Aadan Xaaj Cali Axmed oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud u magacaabey Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jamhuuriyada Somaliland , waxaanan u rajeynayaa Guul ilaahayna waxaan ka baryayaa in uu ku asturo xilkaa culus ee loo magacaabey


  • Cabdirasaaq Ismaaciil
     Maansha alla labadAn masuulbaa waxaan maqley iney yihiin labo nino karti leh isbadalna sameyna kara
    Like · Reply · 2 · 3 hrs
  • Mahmoud Adan JamaDadka faraa badan ee muwadiniita reer Soomaaliland ayaan kalsoonida, soodhoweynta iyo bogaadinta walaaltimimada iyo gacaltooyada leh ugu mahad naqayaa. Uma jawaabi karo qof walba laakiin wadar ahaan baan ducada iyo hambalyadda idiiku mahad naqayaa. WaxSee More
    Like · Reply · 3 · 2 hrs
  • Khaliif Warsame hanbal yo hanbalyo maxamuud aadan jamac galaal ilahay xilka hakuu fudeeyo sxb waanu kugu garab taganahay xilkaa laguu magacabay
    Like · Reply · 1 · 1 hr
  • Faisal Gamadid aadbaan u hambayaynayaa labadan musuul ee cusub Illahayna xilkaa how fududeeyo, midna waan kula dardaarmayaa waxaan leeyahay Caddaaladda ogaada, Caddaaladda ogaada,oo hunguri Cadaalada haku doorsanina Illaahaybaa idin risiqyee, waxaa u liita Qof Xil lagu aaminay caddaaladdi aduun ku doorsaday Illahay SWT idinkama dhigo kuwaas amin.
    Like · Reply · 1 ·

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here