Wasiir Xirsi Oo Dardaaran iyo Duco Iskugu Daray Ardayda Ka Qalin Jabisay Jaamacaddaha

0
1387

casho-sharaftHargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hadalo Bogaadin iyo dardaaran iskugu jira u jeediyay Ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Golis ee Hargeysa.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay qiimaha Waxbarashadu leedahay. Waxa uu Ardayda u soo jeediyay inay la yimaadaan Niyad saafi ah iyo moral fiican

“U Noolow Sidii Qof Beri Dhimanaya, Waxna U Baro Sidii Qof Waligii Noolanaya
“ Live as if you were to die for tomorrow and learn as if you were to live forever “Mahatma Gandhi

Waxaan hambalyo iyo duco u hibaynayaa ardayda qiimaha badan ee ka aflaxday Jaamacadda GOLLIS kuwaas oo dhamaysatay waxbarashadii degree-ga koobaad.

Waa hubaal oo maanta waad qalinjabiseen balse cilmigiii maydaan dhamayn ee albaabkiisi ayaad taagan tihiin ku dedaala in aad sii korodhsataan oo qalbiga ku haya in qofku inta uu noolyahayba arday yahay

“Seek the knowledge from cradle to grave”

Sidoo kale waxaan idinku dardaarayaa in aad qalbi wanaag iyo kalsooni nolosha ku qaabishaan maxaa yeelay qof walba wuxuu Alle ku arzaaqaa hadba niyada uu la yimaado.
:
قال اللهُ جلَّ وعلا أنا عند ظنِّ عبدي بي إن ظنَّ خيرًا فلة وإن ظنَّ شرًّأ فلة

Cilmigaad barateen, Caqlina ku dara, Cududaha-na ka shaqaysiiya waa dhab oo Caziizku idin qadin mayo!” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiir Xirsi

Wa Bilaahi Tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here