Hormadii U Horaysay Ee Xujaaj Ah Oo Maanta Ka Dhoofay Hargeysa + SAWIRRO

0
940

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dufcaddii u horaysay ee tagaysa Xajka ayaa maanta ka dhooftay Madaarka Hargeysa. Xujaaj tiradoodu gaadhayso 350 Qof ayaa maanta dhoofay. Dayaaraddaha Daallo Airline iyo Jubba Airways ayaa dadkaasi u daabulaya Xajka.

Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo galabta faahfaahin ka bixinayay dhoofka Xujaajta ayaa yidhi “ waxaanu aad ugu farax sannahay inaanu galabta halkan ku sagootino dufcadii ugu horaysay ee Xujaajta Sanadkan 2014-ka, ka xajaysay Somaliland ee tagaysay guriga ILAHAY, Xujaajtaasi waxay gaadhaysaa ilaa 350 qof waxana qaadaya diyaaradaha Daallo Airlines iyo Jubba Airways, duulimaadyadaasi oo ka kacaya garoonkeeda Cigaal International Airport toosna u tagaya magaalada Jida, iyaga oo aan meelna ku sii weecanaynin, runtii waa wax weyn oo ILAHAY loogu mahad naqo.”

Siyaasiga Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ahaa Xujaajtii Maanta Madaarka ka dhooftay ayaa isaguna warbaahinta u sheegay “ waxaan ka mid ahay dadka galabta ka dhoofaya Madaarka Cigaal, waxaan u socdaa Xajkii, waxaan ILAHAY ka rajaynayaa inuu naga aqbalo, waxa ii muuqda dadaalo badan oo ay Hay’ada dawladdu samaayeen, waxan u rajaynayaa inay halkaas ka sii wadaan.”

Abwaan Maxamed Aadan Dacar iyo Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo ka mid ahaa Xujuujta galabta ka dhooftay Madaarka Cigaal International Airport ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay aad ugu farax san yihiin ay si toos ah ugu dhoofaan Hargeysa iyagoo ku socda Jida.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here